• Helsinki Futsal Tournament 2012 Socus ryn

     

Helsinki: Helsinki Futsal Tournament HFT 2012 oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa shalay oo ay taariiqdu aheyd 18.02.2012 ayaa lagu qabtay Magaaladda Helsinki ee dalka Finland Tartankan oo ahaa tartan socday hal maalin.

Tartankan helsinki futsal tournament oo ay ka soo qayb galeen 8 kooxood oo ka kala socday magaalooyinka dalka finland iyadoo loo kala qaybiyey laba guruub oo kala ah A, B waxaana qabanqaabadiisa lahaa Ururka dhaqanka iyo Isboortiga ee dalka Finland (Socus ry) oo hore u soo qabtay tartamo kala duwan ee lagu hormarinaayo noocyada kala duwan ee Ciyaaraha, taa oo looga gol lahaa in dhalinta ku nool Magaaladda helsinki lagu wacyi geliyo Ciyaaraha kala duwan si ay uga helaan Jir fiyow iyo maskax fiyow isla markaana looga weeciyo waxyaabaha mustaqbalkooda wax yeeli kara, waxaanadna mooda in guud ahaan Guddiga dhaqanka iyo Isboortiga ee dalka finland (Socus ry) in uu ku guuleystay dhamaan hadafyadii uu ka lahaa abaabulka Isboortiga, iyo iyadoo sanadkaan uu ahaa kii ugu Horeeyey oo mid noocan oo kala ah.

Waxaana xafladaasi ugu horeyntii ka hadlay Maxamed ibrahim (Gurey) oo ka shaqeeya dowlada hoose ee magaalada helsinki qaybta dhalinyarada wax badana ka shaqeeynaayey qibradna u leh dhalinyarada ahna shaqsiga keliya ee inta badan u adeega dhalinyarada kana welwela, ayaa sheegay in ay markastaba diyaar u yihiin wax alla waxii lagu hormarinaayo dhalinyarada ha noqoto in aanu ka caawino meelihii ay isugu iman lahaayeen waxbarashada, garoomada waxa uuna maxamed dhalinyarada ku guubaabiyey in ay mar walba ku xirnaadaan masaajidyada si ay u ilaa shadaan diintooda iyo sharaftooda.

Waxaa kaloo halkaa ka hadlay muqtqr abiib oo ah social worker muqtar abiib oo sanadkii hore ururka laanqeyrta cas gudoonsiiyey abaalmarin, abaalmarintaas oo uu ku muteystay horumarinta dhalinyarada soomaaliyeed iyo kuwa ajnabiga ahba ee uu la shaqeeyo isagoo sanadkana u tartami doono golaha deegaanka ee magaalada helsinki, abiib ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu wax la qabto Bulshadda Soomaaliyeed gaar ahaan dhalinyaradda siiba jiilalka soo koraayo, waxaana uu yiri Mudane Abiib in Isboortiga yahay waxyaabaha dhalinta kala dagaalami kara waxyaabaha mustaqbalkooda wax yeeli kara iyadoo ay waajib nagu tahay in aanu ka qeyb galno dhadhaqaaqyadda lagu badbaadinaayo ubadkeena laguna hagaajiinaayo mustaqbalkooda taa waa hadafkeena waxaana diiradda saareynaa isla markaana aan diyaar u nahay barnaamijyadda sida tooska ah u taabanaayo caruurta Soomaaliyeed, Abiib oo dhalinyarada ku dhiira galiyey in ay wax bartaan sababtoo ah waxbarashada waxay idinka caawineysaa noloshiina iyo sidaad ula noolaa laheydeen bulshada aad u soo guurteen.

Waxaa inta ka dib ka hadlay Xogayihii hore ee ciyaaraha fudud daahir macalin iyo xog-hore voleyballka maxamed cali yaanyo iyagoo dhalinyaradii ku guubaabiyey inay joogteeyaan isbortiga oo ah aalada isu keeni karta bulshada.

Waxaa ugu dambeystii xafladii ka hadlay Gud- ururka dhaqanka iyo Isboortiga ee dalka Finland (Socus ry) Axmed abdullahi (Imad) anigoo ku hadlaya magaca Guddiga Ururka dhaqanka iyo Isboortiga ee finland waxaan ballan qaadaynaa inaan wadi doonaan horumarinta Isboortiga ee wadanka Finland sanadka danbana aan ka sii balaarin doono insha allah, Run ahaantii Isboortiga Wuxuu u baahanyahay in laga soo bilaabo gunta hoose si loo helo dhalinyaro Ummadda Soomaaliyeed ay ku faani karto.

Waxaana barnaamijka xiriirinaayey Yaasiin cabdi rage oo ka mid ah gudiga ururka dhaqanka iyo isboortiga ahna Afayeenka golaha midnimada umada Soomaaliyeed.

Sanadkaan Ciyaaraha waxaa nagala soo qeyb galay Axmed Abdullahi Imad, Yasiin Cabdi Rage,maxamed cali yaanyo, daahir macallin ,muqtar abiib, Maxamed ibrahim Gurey, Abuukar abaajibil ,Maxamed musse seeraar Univerzal,Axmadey ,Mahad labadhagax, Somaliinfo maxamed bashiir ,cawil , C/weli, C/fataax, C/qadir faq, maxamuud afyare, maradona, xasan deeq.

Waxaan u hambalyeyneynaa kooxdii ku guuleysatay Koobkii Helsinki Futsal Tournament HFT 2012 oo ay ku guuleysatay Vantaa city oo ka bafisay Fc myyrmäki ugana badisay rigoorayaal 4 – 3.

Waxayna xafladii ku soo gabagabowday si heer sare ah iyadoo halkaa lagu bixiyey abaalmarino isugu jira Koobab, Bilado iyo Shahaadooyin kala duwan.

Diyaariye; Ahmed Abdullahi




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line