• Kitchener oo dhulka ku jiiday Samba iyo Windsor oo u qubeysay Toronto

 

Kooxda Kitchener ayaa hanatay Koobkii Axmed Cabbaas , kaddib markii ay ka guulaysatay Samba fc ohio, iyadoo markaas ka hor Semi-final 4-2 kusoo martay kooxda Windsor.
Kooxda Seif ayaa iyadu semi-final ku hartay, kaddib markii Samba Fc ay kala kulantay Guul darro.
Iyadoo ay kooxaha Hillaac iyo Michigan fiidkii horeba boorsooyinkooda gurteen.

Axmed Cabbaas ayaa koobkii Champions guddoonsiiyay reer Kitchener, halka koobkii kaalinta labaad uu guddoonsiiyay kooxda Samba Fc, Mr.Qaasim oo isagu kamid ahaa laacibintii berisamaadkii Soomaliya una yimi dhacdadaas darted kana imaaday magaalada Granrapidhs Michigan.


Waxaa kaloo la guddoonsiiyay kooxda Kitchener miidaaliyaadka dahabiga ah.
Laacibka Cadnaan ee reer Kitchener oo noqday laacibka ugu ciyaar fiican (MVP) ayaa isagana la guddoonsiiyay haddiyad, sidoo kale laacibka Axmed Ajakis oo ah reer Windsor oo qaatay Top Goal Scorer.

Windsor Oo Kala Dirtay Toronto

Dhanka tartankii dhallinta cuslaatay waxaa wada ciyaaray kooxda Windsor iyo Toronto.

Ciyaartan oo aad u xiiso badnayd ayaa waxaa 4-3 ay guusha ku raacday Windsor oo halkaasi la hooyatay koobkii.

Gabagabadii ciyaarta ayaa waxaa kabtankii hore ee kooxda Banadir Sadiq Farah Duale uu halkaasi Axmed Abas ku guddoonsiiyay funanadii kooxda Banadir FC,

Xafladan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa qaar ka mid ah madaxdii kooxda Banadir sida Nuraaye, Abirabi Salah, Bashi Ali Bashi, Abdullahi Yusuf iyo ciyaartooydii hore ee kooxda oo ay ka midka ahayeen Hassan Harbi, Gutaale, Marshale, Dahir Bodaye, Qasaaye, Hassan Colow, Mussa Abti.

Xaji Ahmed Abukar "Ahmadey B" iyo Alow ayaa iyaguna Ahmed Abas soo xasuusiyay degmada Boondheere " BOONDHEER MAAN ILOBAA AARAN IYO ABAAR"

Sidoo kale Ali Waxol iyo Ali Quluub ayaa iyaguna sawir taariikhi ah ee kooxd Muqdisho guddoonsiiyay Ahmed Abas.

 

W/D Ahmed Al-Matary




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line