• Tartankii Kubadda Koleyga Ee Dar-Ul-Hijra

     

 

waxaa magaalda Toronto lagu soo gabagabeeyay tartankii kubadda koleyge ee dhallinyarada.

Tartankan ayaa waxaa si heer sare ah usoo qaban qaabiyay dhallinyarada Masaajidka weyn ee Dar-Ul-Hijra ee u hogaaminaayay Sh. Mustafa.

 

Mohamed Khalif oo ku hadlayey magaca dhallinta soo qaban qaabisay tartanka ayaa sheegay in ulajeedada ciyaartani uu ahaa in todobaadka fasaxa (March Break) caruurta loo sameeyo wax ay ku mashqulaan, si looga soo jeediyo iney waqtigooda ku lumiyaan wax diin iyo dhaqan ahaan aan wanaagsanayn.

Tartanka ayaa waxaa dhaqaale ahaan gacan weyn ka geystay: Hamdi Restaurant, Bilal Restaurant, Amal Express. Dixon Auto, Somali Canadian Etobicoke Ass, Salaama Hut, Dar-Ul-Hijra, Iftin Express.

Ciyaartii kama dambeynta(Final) ayaa waxaa isaga hor yimid kooxda Dar-Ul-Hijra iyo kooxda Bilal Restaurant.

Labadan kooxood ayaa iyagu soo bandhigay ciyaar ay aad ugu riyaqeen dadweynihii usoo daawashada tagay.

Wixii hadba koox goolal lagaga hor mara, ugu dambeyntii kooxda ku ciyaareysay magaca Dar-Ul-Hijra ayey guusha raacday sidaana ku qaadatay koobkii.

Xafladii xiritaanka ayaa waxaa halkaasi ereyo ka soo jeediyay Madaxa Dar-Al-Hijra Centre Abdirisaq Godan, Guddoomiye ku xigeenka xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta kana mid ah guddiga Dar-Ul-Hjira Mudane C/rashiid Xasan Xirsi “Bakin", Guddoomiyaha Iftin Exp. Abdirahman oo ku hadlayey magaca ganacsatada Toronto iyo Mohamed Khalif.

W/D Mohamed Busuri

 

 

 

 

 

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line