• Guddoomiyaha Somali New Generation oo Qalab Sport ugu deeqay Midnimo

Guddoomiyaha Ururka Dhalinta Cusub ee Soomaaliyeed (Somali New Generation) Cabdi Qani C/llaahi Cabdi (C/qani Jeenyo) ayaa wuxuu qalab Isboorti ugu deeqday Kooxda Gabdhaha Kubadda Kolayga Midnimo oo ka dhisan Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

C/qani Jeenyo waxaa uu sheegay in qalabka uu ugu deeqay Kooxdaas uu qeyb ka yahay fulinta ballanqaadyo badan oo uu u sameeyay Kooxo dhowr ah oo ka dhisan Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo isugu jira Wiilal iyo Gabdho.

“Waxaan go'aansaday in aan qalab ugu deeqo Kooxaha ka dhisan Magaalada Muqdisho kadib markii aan arkay baahida ay Kooxaha u qabaan in ay heleen labis iyo Kubaddo, mana ahan qalabkii ugu horreeyay, uguna dambeeyay ee aan ugu deeqo Kooxaha Isboorti ee ka dhisan Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho”ayuu yiri C/qani Jeenyo.

Soomaalida ku nool Qurbaha, gaar ahaan kuwa jecel Isboortiga ayuu ugu baaqay Guddoomiyaha Ururka Dhalinta Cusub ee Soomaaliyeed C/qani Jeenyo in ay caawiyaan Kooxaha Isboorti ee ka dhisan Soomaaliya, wuxuuna carrabka ku dhuftay in Kooxahaas ay yihiin kuwo aaney Cidna u maqneydn, Ceelna u qodneyn.

Maamulka Kooxda Midnimo ayaa isna wuxuu si weyn u soo dhaweeyay qalabka uu ugu deeqay Ururka Somali New Generation, waxayna uga mahadceliyeen qalabka uu soo gaarsiiyay oo isugu jiray Labis iyo Kubaddo, iyagoo ka codsaday Bahda Isboortiga Soomaaliyeed ee dibadaha ku nool in ay iyana ku daydaan Guddoomiyaha Ururka Somali New Generation C/qani Jeenyo oo si gaar ah ula socda xaaladda ay ku sugan yihiin Kooxaha Isboorti ee ka dhisan Soomaaliya.

Ugu dambeyntiina, C/qani Jeenyo oo u ciyaari jiray Kooxdii LLPP-Jeenyo ayaa mar uu dhawaan booqday Magaalada Muqdisho wuxuu u kuur-galay xaaladda ay ku sugan yihiin Kooxaha Isboorti ee Soomaaliya, wuxuuna qaarkood siiyay tababarro intii uu ku sugnaa Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

 



 

 

Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line

  ;