• DR. CALI CUSMAAI: "QORIGA DHIG ISBOORTIGA CIYAAR"

Waxa Magaaladda Atlanta ee Cariga Mareykanka lagu qabtay maalintii sabtida aheyd oo ku beegneyd Juun 23,2012 xaflad lagu ay soo qabanqaabiyeen Guddiga Isboortiga iyo Dhaqanka oo uu hogaaminaayo Xoghayahii Guddiga Olimpigadda Soomaaliyeed ee tartankii 1996 ahna Gudoomiyaha Isboortiga iyo Dhaqanka Mudane Dr. Cali Cusmaan Cali,Mudane Aweys Muse Arbow(Awes Fundi) oo ah Madaxa Farsamadda ee

Gudigaasi,Cabdirashiid Blastiko oo ka mid ahaa Halyeyadii ku guuleystay Biladii Dahabka aheyd ee Kubadda Koleyga Tartankii carabta ee lagu qabtay Magaaladda Muqdishu sanadku markuu ahaa 1979,Jaamac Cali(Jaamacey)Guddiga Tartamadda iyo farsamadda,Cali Bay Tababare Kubadda Koleyga ee Atlanta,Maxamed Cabdi Seyga oo ka mid ah aasaasayaashii Isboortiga Atlanta,waxa kaloo sanadkaan nagala qeyb galay khubaro ka socota Jaamacadaha Atlanta iyoTababarayaal kuwaa oo kala ah:.


1)Mike Spino.....................Olympic Coach iyo Bare Jaamacadeed.
2)Tim Richadrson..............Xubin Guddiga Olympigadda USA.
3)Dr.Mina Veaze................Bare Jaamacadda George State Universaty.
4)Dr.Jaqueline Mattews.....Bare Jaamacadda George State Unuversaty.
5)Inj. Cumar Shkhey..........Gudoomiyaha Jaaliyadda Atlanta .
6)Maxamed Shekh............Xubin Jaaliyadda Atlanta.
Waxaana shirkaasi khudbad qiimo leh ka jeediyey Xoghayahii Guddiga Olimpigadda Soomaaliyeed ee Tartankii 1996 ahna Gudoomiyaha Isboortiga iyo Dhaqanka Mudane Dr. Cali Cusmaan cali,waxaana uu diiradda saaray qiimaha Maalintaan ay Xambaarsantahay oo uu ugu horeeyo in Isboortiga noocyadiisa kala duwan lagu qabto meel kasto iyadoo loo adeegaayo Horumarinta Jiilalka soo koraayo hadafka ugu weynna ay tahay in laga weeciyo waxyaabaha Mustaqbalkooda wax yeeli kara,isla markaana la abuuro jawi saldhigiisu yahay wada noolaasho ku qotonka is ixtiraam isla markaana laga gudbo wax alla waxii keeni kara midabtakoor .
Waxaan aad iyo aad ugu khushuucay aad iyo aadna dareenkeeka u kiciyey markii ay Xafladaani ay nagala soo qeyb galeen(DHANKA TELEEFOONKA)halyeeyo Isboortiga Soomaaliyeed u soo kifaaxay,Taarikhna ku leh Isboortigeenu laga soo bilaabo Horaantii KONTOMEEYADII,Geesiyaashaasi Isboorti waxa sharaf u haya Ummada Soomaaliyeed madaama ay ugu soo adeegeen si Xurmad leh,waxa lagu qadariyaa sida ay ugu soo istaageen Horumarinta Isboortiga iyagoo dadaal weyn ka muujiye ku abaabinta Jilaalka soo koraayo ka qeyb galka Isboortiga,waxay kor u qaadeen Moraalkeena,ka qeyb galkooda waxa uu nagu dhiiri gelinayaa in aan laba jibaarno ka qeyb galka,waxaan u rajeynay Guul,waxaan ka codsanay in ay halkaa ka wadaan dhiiri gelinta Isboortiga,waxayna kala yihiin Geesiyadaa kuwa soo socdo:.


Cabdulaahi Xasan Tuke(Kooxdii LLPP,Xulka Qaranka Soomaaliyeed ee Kubadda cagta)Ibraahim Suudaani(Kooxdii Horseed,tababare Xulka Qaranka),Pro.Muse Naasir(Kooxdii Gaadiidka iyo Xulka Qaranka),Cabdi Cali(Gudoomiyaha Isboortiga ee Mineapolis),Cabdi Dheere(Kooxdii Kubadda Koleyga LLPP iyo Xulka Qaranka),Cantar Jeenyo(Kooxdii LLPP iyo Xulka Qaranka),Cabdi Dirie Jaamac(Kooxdii Kubadda Koleyga Mooska),Faarax Oday(Kooxdii LLPP iyo Xulka Qaranka),Axmed Baldi(Kooxdii Kubadda Koleyga ee Muqdishu),Abukar Shiino(Kooxdii Kubadda Koleyga ee Muqdishu iyo Xulka Qaranka),Khaliif Riiko(Kooxdii Kubada Cagta ee Badda iyo Xulka Qaranka),Maxamed xasan Qolof(Garsoore Caalami ee Kubadda cagta),Maxamed Faarax Dabdamis(Aaasaasayaashii Isboortiga Soomaaliyeed),Cabdulaahi Xersi Cabdi(Gudoomiyahii Xiriirka Soomaaliyeed ee Ciyaaraha Fudud),Cabdicasiis Axmed Mahdi(Gudoomiyaha Isboortiga ee Tennesse),Cabdi warsame Isaaq(Naadigii wakaaladda Ganacsiga Ummaddaee Ciyaaraha Fudud iyo Xulka Qaranka),tababare Maxamed Muslimiin(Madaxa Isboortiga ee Washigton Seattle),Xamza S.

Xamaza(Gudoomiyaha Isboortiga ee Kentuky) iyo Dayib oo ah Madaxa Teleefishinka Universal ee waqooyiga Ameeriga oo runtii kalmadiihii uu halkaa ka yiri ay geli doonaan Taarikhda Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan Isboortiga iyo Mudane Cusmaan cali Abanuur(Kooxdii Kubadda Batroolka iyo tababare Xulka Qaranka).
Waxa kaloo halkaa ka hadlay Martisharaftii ka soo qeyb gashay Xafladaasi oo kala ah Mr.Spino,Tim.Mina,Jaqueline,Cumar Shekheey iyo Aweys Fundi oo dhamaantood u mahad celiyey dadkii soo qabanqaabiyey Xafladaan lagu xusaayey Maalinta Olimpigadda Addunka,.
waxaa kaloo halkaa shahaado sharaf qiimo leh lagu gudoonsiiyey Mudane Axmed Dieshe oo bahda Isboortiga ee reer Atlanta u sameeyey Garoon dadan oo lagu Ciyaaro Kubadda cagta taa oo bahda Isboortiga ee Reer Atlanta ka haqabtireysa Garoon la'aanta ay waayihii dambe ay la dhutinayeen,waxaana halka Axmed Dieshe loogu tumay sacab,waxa kaloo shahaado lagu gudoonsiiyey Wiil Soomaaliyeed oo magaciisa la yiraahdo Cumar maxamed Suufi oo runtii aad iyo aad u xiiseeya Kubadda Koleyga gaar ahaan NBA,waxaana uu awooday in uu sawir la sameeyo Ciyaaryahan ka tirsan NBAda uuna Ciyaara ATLANTA HAWKS oo magaciisa la yiraahdo AJOE JOHNSON taa oo mitaal u noqon doonta dhalinta isaga faciisa ah,waxaana isna halkaa loogu tumay sacab aad u weyn.
Xoghayahii hore ee GOS Mudane Dr. Cali Cusmaan Cali kuna soo jiray Isboortiga Soomaaliyeed kana soo qabtay Jagooyin kala duwan ayaa waxa uu Shacabka Soomaaliyeed waxa uu ka codsaday isagoo xurmeynaayo Maalinta Olimpigada Addunka ee Juun 23,2012 in sanadkaan diiradda la saaro wacyi gelinta ku aadan in nabadda bal Fursad la siiyo halkudhigeenunna noqdo QORIGA DHIG ,ISBOORTIGA CIYAAR,waayo qori wiil kuma dhaso ee wiilbaa ku dhinta,waxaana uu shirkii ku dhamaaday guul.

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line