Shir khadka
telefoonka ah oo ay isugu yimaadeen ciyaartooydii hore ee Gobolka Jubadda
Hoose ee ay magaalo madaxdiisu tahay Kismayu ayaa wuxuu dhacay taariikhdu
markii ay ahayd April 20, 2013. Shirkan oo ahaa midkii ugu horeeyey noociisa
oo ay bahdan yeelato ayaa ahaa mid aad u xiiso badnaa oo aad mararka qaar
u malaynaysid in ciyaartooyda cuslaatay ay wali kuwada ciyaarayaan garoonkii
Waamo ee magaaladda Kismayu. Waxaa ugu qosol badnayd markii uu Mahamaadi
Bakari oo naadi Munishiibiyo u qaadan jiray lambarka 9aad uu Maxamed Muse
Jabros kula kaftamay inuu lambar 5 kii uu caanka ku ahaa boorka ka soo
jafjafto, odayaashu faan badanaa! Haddaba ujeedadda
kulankan ayaa wuxuu salka ku hayey sidii loo horumarin lahaa sports ka
gobolka isla markaasna loo mideyn lahaa maskaxda iyo muruqa qurba-joogta
gobolka, waxaa kaloo la isla meel dhigay in il gaar ah lagu hayo midnimadoodana
laga shaqeeyo akhyaarta wali gudaha ku jira dadaaladda badana sameeyey
una dhabar adeygay dhibka iyo inay sii horumariyaan, tartanana u qabtaan
da’ yarta soo koreysa ee ah mustaqbalka gobolka. Waxaa si gaar ah uu shir- guddoonkii shirku uu uga codsaday Madaxa Zone ka 4aad ee Guddiga Olympic da Somaliyeed (GOS) – Maxamed Muse Cabdi – Jabros inuu ka qaybgalayaasha shirka uu sharaxaad kooban ka siiyo GOS iyo waxa ay qaabilsan tahay isla markaasna sida ugu haboon ee GOS ugaga qayb qaadan karto horumarka sports ka gobolka. Madaxa Zone
ka 4aad ee GOS wuxuu si waafi ah u dhigdhigay su’aashii la weydiiyey wuxuuna
balan qaaday in GOS ay qayb libaax ka qaadan doonto horumarinta qaybaha
kala duwan ee dhammaan ciyaaraha fudud, kubadda kolayga, laliska, dabaasha,
lagdinta, kubadda miiska, malaay dabashadda, iyo waliba tartanka cunidda
qubadda iwm. Gabagabaddii
shirka ayaa waxaa halkaas lagu doortay in Eng. Abdisamed Sheik-Qasim oo
horay ugaga tirsanaan jiray naadigii Dawladda Hoose ee Kismayu iyo kii
Muqdishu ee Xamar uu noqdo Guddoomiyaha Bahda Sports ka Qurba-joogta Gobolka
Jubadda Hoose – Kismayu. Guddoomiyuhu wuxuu ku booriyey in garoonka Waamo
la dhiso laguna daro qayb VIP ah oo loogu talo galay “HALL OF FAME” oo
ay noqonayaan dhammaan ciyaartooydii gobolka soo martay gude iyo dibad
ba. Wuxuu kaloo ku daray in horumar lagu gaari karo isku kalsooni, is
aamin, waxtar iyo shaqo badan. Ciyaartooydii
hore ee halkaas ka hadashay ayaa waxaa ka mid ahaa: Diini Nur Abdiqadir,
Khaliif Shire –Rike, Abdi Haq, Mahamaadi Bakari, Abdirahim Shino, Cumarey
Ali, Ahmed Osman Gedi, Mohamud Baraan, Abdirizak Marshale, Ahmed Aluu,
Mohamed Abdi Asale, Ahmadey Mahad, Dhuubo Huruuse. Waxaa kaloo khadka
telefoonka ku jiray Bide Shire, Ahmed Ciise, iyo Cumari Faruur. Waxaa
mahad badan loo soo jeedinayaa xiriiriyihii, qabanqaabiyihii iyo fikirkii
Mohamud Yare oo ahaa jiray laf dhabarkii naadigii Muuska (Ente Banane)
iyo xulkii gobolka Jubadda Hoose, waxaa kaloo mahad mudan dadkii kale
ee mudadda badan la soo shaqeeyey Mohamud Yare sida Abdi Haq, Khalif Rike,
Jabros, Dhubo, Abdisamed, iyo waliba Maryan Yarey oo aan maalintaas fursad
u helin inay shirka ka soo qayb gasho. Xiriirkani
wuxuu noqon doonaa mid intaas ka sii balaaran. Guddiga Qabanqaabadda
Shirka.
|
Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line
|