Kooxda Chelsea ayaa hadal ay soo saartay waxey ku canbaareysay ficil kasta oo looga hanjabayo garsoorihii ka hiiliyay ee Tom Henning Ovrebo kagadaale markii la sheegay in hanjabaadyo dil ah ay ka soo gaareen taageerayaasha kooxda chelsea Saxaafada gudaha ayaa ku soo warantay in fariimo dil ah loo soo marsiiyay qadka internet-ka garsoorahaasi reer Norwe taasoo wal-wal badan ku abuurtay “iyadoo la dili doonto inta uusan wadanka ka bixin, waxaa haatan hotel-ka uu dagan yahay ku hareereysan ciidamo police ah. “iyadoo tix raaceysa wararkii ay media baahiyeen ee ahaa in garsooraha dil loogu hanjabay, Chelsea Football Club waxey cadeyneysaa iney bari ka tahay waxaasi isla markaan ay canbaareyneyso, iyadoo aysan falalkaasi wax lug ah ku laheyn ciyaartoydeeda, saaraakiisheeda sar sare iyo taageerayaahseeda intaba,” ayaa hadalka kooxda lagu sheegay . “hadii wax cadeyn ah loo keeno ficilkaasi , Chelsea waxey tilaabo culus ka qaadi doontaa shaqsi waliba oo heysta season ticket holders or members kaasoo ku lug yeesha falkaasi . Taageerayaasha Chelsea waxey aad ugu niyad jabeen wixii uu sameeyay Ovrebo taasoo aheyd inuu si indho la'aan ah uu u dafiray rigoorooyin sax ah , ciyaartii 1-1 ku dhamaatay ee Stamford Bridge ka dhacay taasoo ay Barcelona ku soo baxay away goals rule. W/D Sir Sunni Said Salah sirsunni@gmail.com
|
Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line
|