Xilli cayaareedka
2013 ee horyaalka kubada Cagta dalka Soomaaliya ayaa qeyb ahaan bilowday
iyadoo cayaartii furitaanka horyaalka heerka labaad ay dhacday maanta
oo, halka horyaalka heerka koobaadna uu sugayo oo keliya marka ay FIFA
soo dhamsytirto wajiga labaad ee dhismaha garoonka Stadium Banaadir, halkaas
oo la qorsheynayo in horyaalka heerka 1-aad uu ka dhici doono sida uu
sheegay xoghayaha guud ee xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cabdi
Qani Saciid Carab oo warbaahinta la hadlay.
Xoghayaha guud ayaa warkan saxaafada u sheegay intii ay socotay munaasabada
furitaanka horyaalka heerka labaad halka horyaalka heerka 3-aadna uu sheegay
in uu si rasmi ah u furmi doono maalinta Axada ah ee inasoo aadan oo bisha
April tahay 21-ka, waxaana labadan horyaal ee B iyo C ay ka wada dhici
doonaan garoonka Jaamacadaha.
Horyaalka heerka 1-aad oo ah tartanka ugu shacbiyada iyo xiisaha badna
tartamada uu qabto xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta ayuu xoghayuhu
sheegay in lala sugayo dhameystirka dhismaha garoonka Banaadir oo wajigiisa
labaad dhawaan la guda geli doono.
“Maanta waxaan halkan u taaganahay in aan bilowno horyaalka heerka 2-aad
oo uu soo raaci doono kan heerka 3-aad oo Axada isna aan qoresheyneyno
in aan furno—qorsheheenu wuxuu ahaa in sadexda horyaal ay isku mar furmaan
isku marna soo dhamaadaan waana ka xumahay in aan maanta ku dhawaaqo in
horyaalka heerka 1-aad dib u dhac uu ku yimid, iyadoo sababtuna ay tahay
garoonka Stadium Banaadir oo aan hada diyaar u ahayn in cayaaro lagu marti
geliyo, waxaanse aad ugu rajo wreynahay in FIFA ay soo da dajin doonto
dhameystirka dhismaha garoonka”ayuu saxaafada u sheegay xoghayaha guud
Cabdi Qani Saciid Carab.
Waxaa uu xoghayaha guud amaan usoo jeediyay masuuliyiinta naadiyada heerarka
2-aad iyo 3-aad oo uu sheegay inay door aad uweyn ka cayaareen dhaqan
gelinta siyaasada xiriirka ee ku aadan soo saarista cayaartoy da’ yar
oo tayo wanaagsan taasoo qeyb ka ah barnaamijka horumarinta dhallinyarada
oo horayna natiijooyin wax ku ool ah looga gaaray.
“Wiilal da’ yar oo 15-jir ilaa iyo 17 jirro ah ayaan fileynaa in ay naadiyada
heerka 3-aad ku matalaan tartanka Axada furmi doona, halka naadiyada heerka
2-aadna ay maantaba soo safeen cayaartoy da’doodu u dhexeyso 18-20 sano,
sidaa daraadeed aniga oo ku hadlaya magaca xiriirka Soomaaliyeed ee kubada
cagta waxaan hortiina ka xaqiijinayaa in naadiyadeenu ay dhab u qaateen
si buuxdana u meel mariyeen siyaasada xiriirka ee ah in lasoo saaro ciyaartoy
da’ yar ah”ayuu xogahayaha guud Cabdi Qani Saciid Carab hadalkiisa sii
raaciyay.
Dhankiisa guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed ee kubada cagta Cali Saciid
Guuleed Rooble ayaa sheegay in horyaalka iminka furmay la rajeynayo in
uu noqdo mid aad uga kulul ugana xiiso badan horyaaladii hore iyadoo sababtuna
ay tahaybuu yiri diyaar garowga aadka u weyn ee naasiyadu soo galeen.
“Waan la socdaa in ciyaartoy aad loosoo diyaariyay, tayo wanaagsan leh
isla markaana da’yar ah ay halkan joogaan kuwaas oo bandhigooda ugu horeeya
ay ku wada qanceen madaxda xiriirka iyo dhamaan teegaarayaasha jecel kubada
cagta, sida aan ka ogaanay qeybta hore ee cayaarta furitaanka ah ee maanta”ayuu
guddoomiye Cali Saciid u sheegay saxaafada kaddib dhamaadka qeybtii hore
ee cayaarta furitaanka oo dhex martay naadiyada kala ah Al Beder iyo DBG.
Labada naadi mid waliba waxaa uu isku dayay in uu badiyo isla markaana
urursado 3-dii dhibcood ee koox ku adkaata cayaar kubada cagta ah ay heli
lahayd, laakin cayaarta oo aad u adkeyd ayaa labada naadi midna aanay
u suura gelin in uu wax gool ah dhaliyo waxaana ay kusoo idlaatay bar
bar dhac 0-0 ah min hal dhibic ayayna garoonka kala hoyaadeen.
By Shafi’i Mohyaddin
Abokar
|