XIIN FANIIN OO KU GUULEYSATAY KOOBKA SOUTH AFRICA
KOOXDA KUBBADA CAGTA XIINFANIIN AYAA SI XARAGO LEH U MAROORSATEY KOOB QALIN AH OO MAANTA SHIRKADA XAWILAADA KAAH EEY U DHIGTEY TARTAN CIYAAREED LAGU WEYNEYNAYEY CIIDUL FIDRI-GA LAGUNA QABTEY GAROONKA KOOXDA ORLANDO PIRATES, MAGAALADA JOHANSBURG. CIYAARTA AYAA KU DHAMAATEY XIINFANIIN F.C 7--1 LAALEYS F.C.
Ciyaarta ayaaa bilaabatey abaara 4 tii galabnimo xiliga K/Afrika, waxeeyna dhex mareysay labbo kooxood oo soomaaliyeed oo ka wada jira magaalada johansburg, oo lakala yiraahdo XIINFANIIN F.C iyo LAALEYS F.C, cayaarta oo si xiiso leh ku bilaabatey oo dardar iyo firfircooni ku dheehan, ayaa waxaa daqiiqadihii ugu horeeyeyba ee cayaarta, kooxda XIINFANIIN F.C, eey isla markiiba keensatey afar gool oo degdeg ah, ka hor inta uusan dhamaan wareegii hore ee ciyaartane waxeey kaloo la yimaaden goal kale, kasoo niyad jab weyn ku abuurey kooxdii kale iyo tageerayaal baddan oo ciyaarta daawanayey, wuxuu wareegii labaad dhamaadey iyadoon kooxda LAALEYS F.C eeysan wax gool ah laheyn, markii la'isugu soo laabtey wareegii labaad ayaa waxaa halkii goal dhalinta kasii watey kooxda XIINFANIIN F.C lana timid 3 goal oo dhraad ah tasoo goolasha ka tidhtey 7 goal, halka kooxda la hareereeyey eey ugu dambeytii la timid hal goal, iyadoo ka sokow gaalal la'aaanta LAALEYS ee misane muujisey ciyaar xumo iyo marmarka qaarkood oo eey ku dagaalameen garoonka.
kooxda XIINFANIIN waxaa goolalka u kala dhaliyey ciyaaryahanada kala ah, Sadiiq (4 goal), zubeyr (2 goal), halka c/laahi uu u dhaliyey hal goal, nooma suuro galin inaaan helno magaca ciyaaryahanka halka goal u dhaliyey kooxda LAALEYS, hase yeeshee cid kastoo goolal badneyd ee sheeganeysa guul waxaa xaqiiq ah in dhamaan dadkii halkaasi yimid eey guul ka wada raacdey garoonka madaamaa qadiyad diineed la muujinayey loona dabaaldagayey munaasabada ciidul fidriga,
Gabagabadii ciyaarta ayaa waxaa bilad sharf la gudoonsiyeey dhamaan ciyaartoydii tartanka ka qeyb gashay, iyadoo mudnaan gaar ah la siinayey dadka goolalka badan dhashaday, asluubta qofka ugu wacnaa, iyo kooxda guuleysatey oo la gudoonsiiyey XIINFANIIN F.C, waxaana xusid mudan in biladaha iyo koobkaba eey ciyaartooyda gudoonsiiyeen saraakiil ka socotey shirkada xawaalada KAAH EXPRESS, oo iyadu ciyaarta maalgalisey, iyo sidoo kale saraakiil isboorto oo ka tirsan kooxda caanka ah e garoonkeeda lagu dheelayey ee dalkani ka jirta ORLANDO PIRATES. garsoorihii ciyaarta ayaa aad ugu mahad celiyey ciyaartooyda soomaaliyeed una balan qaadey ineey muhiimad gooni ah siin doonan wixii hadda ka dambeeya.