MUQDISHO
- Garoonka Kubadda Koleyga 1da Luulyo (Ex-Lugino) ee magaalada Muqdisho
waxaa ciyaartii kama dambeysta ee Tartanka Kubadda Koleyga Degmooyinka
Gobolka Banaadir isaga horyimid Degmooyinka Hodan iyo Cabdicasiis. Iyadoo
guusha ay 70-68 ku raacday Degmada Cabdicasiis.
Sadaasha ah in ciyaartoyda labadan degmo ay isugu imaanayaan ciyaar kama
dambeys ah ayaa waxay noqotay mid dhabowday, Waxaa kulan ciyaareedkooda
uu ahaa mid aad u adag oo ay ku muujiyeen ciyaar aad u sareysa oo marba
Degmo hogaanka ciyaarta ay la wareegaysay, Laakiintii qeybtii hore ayay
ku kala nasteen 42-37 oo ay ku horeyso Degmada C/Casiis.
Markii la isku soo laabtay ayay Degmada Hodan dardar xoogan la timid iyadoo
hogaanka ciyaarta ay la wareegtay, balse isbedel ayaa wuxuu yimid daqiiqadihii
ugu dambeeyay markii xiddiga Degmada C/Casiis Maxamed Talyaani uu dhowr
tuurashada saddexleeyda [3 Points] shabaqa Hodan uu ku hubsaday islamarkaana
u xaqiijiyay guusha Degmada Cabdicasiis inay ciyaartan kula hoydaan 70-68.
Ciyaartan waxaa garsoorayay C/llaahi Axmed Nuur (Cadaani) iyo Maxamed
Xasan Fiidoow, Dhibcaha Mustaf Aadan Maxamed, halka Saacadda uu hayay
Xasan Sheekh Ibraahim {Mooseey}.
Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga Ibraahim Xuseen
Cali [Roombo] ayaa gabagabadii ciyaartan saxaafadda uga warbixiyay sida
ay ugu faraxsan yahiin in Tartanka Kubadda Koleyga Degmooyinka Gobolka
Banaaadir uu guul ku soo idlaado, wuxuuna u Mahadceliyay Maamulka Gobolka
Banaadir, Maamulka Zone 5 ee Guddiga Olambikada, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka,
Ciyaartoyda,
Garsoorayaasha,
Taageerayaasha iyo dhamaan intii gacan ka geysatay habsami u socodkii
Tartanka, wuxuuna xusay in Xaflad Balaaran lagu bixinayo Koobabkii iyo
Abaalmarinadii loogu Talagalay Tartankan.
Daawashada ciyaartan waxaa ka soo qeybgalay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda
Horumarinta Adeega Bulshada Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe) iyo
mas`uuliyiin kala duwan oo isagu jiray Xiriirada Isboorti ee dalka, Maamulka
Gobolka Banaadir iyo Taageerayaal aad u tiro badan oo buux-dhaafiyay garoonka.
waxayna ku soo idlaaday jawi xiiso leh.
W/W Said Ibrahim Hussein (BUUNA)
Email:buuna@isboorti.com
|
Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line
|
|