• Dr. Cali Cusmaan:aqoonta waxay saldhig u tahay horumarinta Isboortiga

Shir uu isugu yimid Guddiga Isboortiga iyo dhaqanka loogana doodaayey Tartamadda Isboorti oo Atlanta ka dhici doona dhamaadka bisha November,oo ay ka soo qeyb galayaan Halyeeyo Isboortiga Soomaaliyeed Magac iyo Maamusba ku leh,ayaa waxa lagu lafaguray aadna looga dooday in sanadkani ay Ciyaarahaasi noqdaan kuwa xusuus reeba,madaama Atlanta lagu yiqiin Abaabulka Tartamadda Noocaasi ah,waxaana diiradda la saaray in sanadkani inta aan la gaarin damaashaadka Ciyarahaasi la abaabulo Aqoon kororsi lagu baranaayo sidii loo noqon lahaa Hogaamiye wanagsan oo ka soo dhalaala waajibaadka looga baahan yahay qofka hogaamiyaha noqonaayo,waxaana la is tusay in la helo khubaro arrinta u dhuun daloola,waxaana lala xiriiray DR. MIKE SPINO GUDOOMIYENA KA AH INTERNATIONAL ATHLETIC CENTER OF ATLANTA,IYO MR IAN DUBE OO AH GUDOOMIYAHA USA TRACK AND FIELD OF GEORGIA,iyagoo laga codsaday in ay daruus ka bixiyaan Seminaarkaas oo lagu baran doono sidii Hogaamiyey wanagsan loo hanan lahaa,waxaana duruustii lagu qaatay ay ahaayeen:
1)Hogaamiyaha waa in uu aasaasaa aragti(Vision)ku qotonta hadafka la tiigsanaayo.
2)Hogaamiyaha waa in uu la wadaagaa aragtida dadka uu hogaaminaayo.
3)Hogaamiyaha waa in uu u gudbiyaa dadka uu hogaaminaayo macluumaadka iyo aqoonta ay xambaarsantahay aragtiyooyinka la qondeeyey iyo hananka sahli kara in si mug leh loo gaari karo qorshooyinkii hore loo dhigay.
4)Hogaamiyaha waa in uu abuuraa is dhexgel iyo is faham dadka wada shaqeeyo.
5)Hogaamiyaha waa in uu diiradda saaraa in si hufan loo qabtay waajibaadkii(Tasks).
6)Hogaamiyaha wanagsan waa mid xaliya khilaafaadka jira.
7)Hogaamiyaha Wanagsan waa in uu lahaadaa dad la dhaqan sahli kara is faham waafi ah.
8)Hogaamiyaha waa in uu noqdaa mid qiimahiisu(Value)sareeyo oo haybad iyo ixtiraam loo hayo.
9)Hogaamiyaha waa in uu awooda in uu sameyn karo qorshe fog iyo mid dhawba inta awooda u samaxeyso.
10)Hogaamiyaha waa in uu lahaadaa soo jiidasho(Charisma) sareysa.
Waxaana arrimahaasii si qoto dheer uga dooday Khubaradii duruusta bixineysay iyo ka soo qeybgalayaashii Seminaarkaasi iyadoo halkaa la isku weydiiyey su'aalo aad u fara badan oo unki kara sidii lagu noqon lahaa Hogaamiyey Wanagsan oo mustaqbalka awooda in uu habsami leh u hogaamiyo dhalinta Reer Atlanta oo waayahaan dambe ku soo badanaayo ka qeyb galka Isboortiga,waxaana arrintaasi saldhig u ah markii ay waalidiinti Caruurtaasi ay ogaadeen ahmiyadda uu Isboortiga u leeyahay Dhalaanka soo koraayo.
Waxaan ugu dambeyntii halkaa ugu Mahadceliyey Khubaradda duruusta ka bixineysay Seminaarkaasi Gudoomiyey Kuxigeenka Guddiga Isboortiga Mudane Aweys Fundi,Xoghayaha Guddiga isla markaana ah Tababaraha Kooxha Kubadda Cagta ee Jubba Mudane caydiid Jeenyo,Cali Mataan Xoghayaha Arrimaha Dibedda iyo Cabdulaahi Amigo oo ka socday Gobolka OHIO,waxayna masuuliyiintaan qireen in uu seminaarkaan ahaa mid laga koroorsaday aqoon aad iyo aad u qoto dheer,waxayna ballanqaadeen in ay u gudbiyaan dhalnaaka soo koraayo si loogu barto sidii ay mustaqbalka u noqon lahaayeen Hogaamiyayaal wanagsan.
Seminaarkaasi markii la soo gabagabeeyey ayaa waxa codsi muhim ah soo bandhigay Mudane Mahamuud Karaani oo lagu naaneyso Galkacyo horeyna uga mid ahaa Xulka Ciyaartoyda Galkacyo iyo midka Dawlad Gobolleedka PUNTLAND,isagoo Guddiga Isboortiga ka codsaday in Seminaarkaan oo kale laga hirgaliyo Galkacyo iyo Garoowe,waxaana ay arrintii Guddiga Isboortiga uga yeeleen si aan gabasho laheyn,waxayna isla markiiba la hadleen Khubaradda Duruusta ka bixineysay Seminaarkaasi oo ay saaxiibo dhaw yihiin Guddiga Isboortiga oo iyana si hufan u yeelay in ay tagaan Goboladaasi si ay uga hirgaliyaan seminaarkaan oo kale,iyadoo la isku raacay in xubnaha Guddiga qaar ka tirsan ay hogaamiyaan marka safarkaa la gaaro.waxaana halkaa si wanagsan ugu soo gabagaboobay seminaarkii iyo wada hadalkii ka dambeeyey

 



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line