• Guddiga Jaaliyadda iyo kan Isboortiga ee Atlanta oo u dabaaldegay 1Da Luulyo.


Waxaa xaflad si aad iyo aad ah loo agaasimay lagu qabtay Cariga Mareykanka gaar ahaan Magaaladda Atlanta oo ay ka soo qeyb galeen Guudiga Jaaliyadda Atlanta,Guddiga Isboortiga,Haweenka iyo dhamaan dadka ku dhaqan Magaaladda Atlanta taa oo lagu xusaayey 53Guuradii ka soo wareegatay maaliinta 1da L:uulyo oo ah Midnimadii Goboladda Waqooyi iyo kan Koonfureed iyo maalinta ay Xornimadda qaadatay goboladda Koonfuurta ee Soomaaliya.

Waxaana Xafladaasi ka hadlay Dr. Maxamed Cali Nuur oo ka mid ah aqoonyahanadda Soomaaliyeed isla markaana Jagooyin kala duwan ka soo qabtay Dawladihii soo maray Qaranka Soomaaliyeed sida Wasiirka wasaaradda Caafimaadka iyo wasaaradda Xanaanadda Xoolaha,waxaana uu Dr. Maxamed Cali Nuur diiradda saaray marxaladihii kala duwanaa uu soo maray halgankii loo soo maray xuriyadda aanu maanta harsaneyno,axaana uu marka hore si mug leh uga hadlay taarikhda Calanka Soomaaliyeed iyo waqtigii la soo saaray isagoo sheegay in calankeena uu soo unkay Mudane Maxamed Cawaale Liibaan taarikhdu markey aheyd 12kii Oktoobar sanadku markuu ahaa 1954,isagoo taarikhda uga jira meel dahab ah,waxa kaloo uu Mudane Dr. Maxamed Cali Nuur kala dhigdhigay marxaladihii ay soo martay Uruurkii SYL oo ay ka koobnaayeen 13 Dhalinyaro oo naftooda iyo maalkoodaba u huray Xuriyadda ay Ummadda Soomaaliyeed ay qaadatay 1960 oo aanu maanta u dabaaldegeyno.waxayna dhalinyaradaasi ay maanta taarikhda Ummadda Soomaaliyeed uga jiraan baal dahab ah oo sanad kastaba la xuso,waxa uu Dr. Maxamed Cali Nuur sheegay in 13kii SYL oo dhaliyey Xuriyadda ay da'doodu u dhaxeysay 16 Sano iyo 36 Sano,waxayna guushaasi ku gaareen iyagoo isticmaalka qabiilka ka leexday,waxaana xusuusanaa halkudhigii ugu horeeyey ee SYL in uu ahaa(KANA UGAAS AH KANA ADOON AH WAA IN AAN ILOOWNAAYEY,AFTIRSAMADEENII HORE WAA IN AAN OODA KU RIDNAA) waxaana halkudhigaa keenay in ay Ummadii Soomaaliyeed ay Midoobaan iskana qaadaan heeryadii Guumeysiga,waxaana uu Dr. Maxamed Cali Nuur khudbadiisii ku soo gunaanaday heestii aheyd SOOMALIYEY TOOSA,TOOSA ISKU TIIRSADA HADBA KIINA TAAG DARAN TAAGEERA WALIGIIN.

Waxaana Cod baahiyaha lagu soo dhaweeyey Gudoomiyaha Jaaliyadda Somali-American Center Mudane Inj. Cumar Sheekhey oo marka hore u Hambalyeey Ummadda Soomaaliyeed meel kastoo ay joogto munaasabadda 1da Luulyo awgeed,waxaana uu sheegay in Ummadda Soomaaliyeed ay soo martay halgaan aad iyo aad u adkaan iyagoo hadafka ay lahaayeen uu ahaa in mar uun la arko Calan Soomaaliyeed oo xor ah oo mideeya Ummadda Soomaaliyeed,Riyadaasina waxay rumowday 26 Juun iyo 1da Luulyo,wallow uu sheegay in halgamayaashii curiyey Xuriyadaasi aan loo abaalmarin sidii ku habooneyd laakiin waxa maanta Xurmad iyo qadarin u haya dhamaan Shacabka Soomaaliyeed meel kastoo ay joogaan,waxaana uu khudbadiisii ku soo gabagabeeyey Mudane Inj. Cumarow in gacmaha la isqabsado dib loogu dadaalo sidii aanu dhibaatadda Ummadda Soomaaliyeed uga bixin laheyn,waxaana uu halkaa ku kasbaday sacab badan.

Ugu dambeyntii waxa khudbad gaaban ka jeediyey Gudoomiyaha Isboortiga iyo Dhaqanka ee Atlanta Mudane Dr. Cali Cusmaan Cali oo sheegay in Isboortiga uu ka mid ahaa kuwii ka xoroobay gacantii Guumeystaha Talyaaniga,waxaana Isboortigii kala wareegay guddigii la oran jiraya (Commitato 13) oo ay mid ahaayeen Marxuum Faarax Sindaki,Marxuum Nuur Xusen,Marxuum Cusmaan Qunka,Marxuum Otaavio,Marxuum Caamir Maxamedi,Sheegow iyo kuwa kale ,waxaana Guddiga Isboortiga xafladaasi ka qeyb galay Caydiid Jeenyo,Jaamac Cali(Jaamacey),Maxamed Ismaaciil Tafare iyo Abdiqani abow,waxaana xafladii ku soo dhamaatay si heer sare ah.

W/D Dr Ali Osman
 

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line