• Wafdiga Soomaaliya ugu qeyb galaya Cayaaraha Islaamka oo si weyn loosoo dhaweeyay

Waxaa Magaalada Palempang ee dalka Indonesia si weyn loogu soo dhaweeyay Wafdi Isboorti ee uu Hogaaminayo u-qeyb-sanaha Guddiga Olompikada Soomalieed (GOS) ee wadamada Carabta iyo Islaamka Cumar C/qaadir Baarajab oo iyagu ka qeyb galaya Cayaaraha Wadamada Islaamka ee ka furmay dalka Indonesia.

Mudane Cumar C/qaadir Baarajab ayaa kulamo kala gedisan la qaatay Madax ka tirsan dalka Indonesia oo uu ka mid ahaa Gudoomiyaha Gobalka Koofurta Dalka Indonesia ee Sumetra Mr. A. Nuradin, Duqa Magaalada Palempang ee ah Magaalada Lagu Marti gelinayo Cayaaraha islaamka, iyo Madaxda Tartamada Isboortiga dalka Indonesia oo ay ka wada hadleen Arrimo la xiriir Horu-marinta Isboortiga dalka Soomaaliya

Sidoo kale u-qeyb-sanaha GOS ee Xiriirka Wadamada Carabta iyo Islaamka, ayaa dalka Indonesia ugu qeyb galay Sanadguurada 53-aad ee Boqotooyada dalka Sacuudi Carabiya, isagoona halkaasi kula kulmay Guddoomiyaha Olompikada Wadamada Carabta Amiir Nawaf Bin Fahad Bin Abdulaziz.

Labada Mas'uul ayaa ka wada hadlay balan qaadyo kal hore uu Amiirka u fidiyay dalka Soomaaliya, taasi oo la xarirtay dhismaha Garoomada Isboortiga ee dhinaca Cayaaraha fudud, waxa uuna Amiirka mar kale ku celiyay in uu ka dhabeyn doono balan qaadkiisa ku aadanaa sidii uu soomaaliya ugu caawin lahaa dhismooyinkaasi.

Magaalada Palempang ee dalka Indonesia ayaa 23-bishaan ka furmay Cayaaraha kala gedisan ee wadamada Islaamka, iyadoona Soomaaliya ay ka qeyb galayaan Cayaaraha loo yaqaan Teakwondow iyo Cayaaraha Fudud oo uu Cayaaryahankii Soomaaliya u ordi lahaa 1500M Cabdullahi Barre Maalintii shalay gaaray dalka Indoneisa.



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line