• Muxuu isu casilay Eng. Bana? Dhageyso wareysgian

Kubadda koleyga dalka Soomaaliya iyo mida Qaaradda Africa FIBA Africa Zone V, waxay weeyn doontaa Mas’uul si weeyn loo tebi doono kaalintiisii horumarineed ee kubadda koleyga waana Injineer Baanna Cabdalla Cali oo dhowaan ku dhawaaqey inuu soo gabagabeeyey masuuliyadii uu ka hayey qeybahaasi uuna noqonayo Odey Sporti.
Xoghayihii hore ee Xiriirka Kubada Koleyga Soomaaliya, isla markaana ahaa Madaxii suuq-geynta FIBA Africa zone V, Eng. Baana Cabdalla Cali, oo Barnaamijka Falanqeynta Gool FM u waramayey ayaa ku dhawaaqay in uu gabi ahaanba ka fariistay Maamulida Kubada Koleyga Afrika iyo Soomaaliya, isagoo u sababeeyey in xiligani ku mashquuli doono keliya howlihiisa kale,loona baahan yahay in Dadka kale ee Soomaaliyeed fursadaai loo dhaafo si ay dhankooda u qabtaan,maadama isagu sanado dhowra kusoo dhexjirey.
Eng. Baana Cali oo haatan ahaa Madaxii Warfaafinta iyo Suuq-geynta Guddiga Cayaaraha Kubada Koleyga ee Caasimada Magaalooyinka Bariga iyo Bartamaha Afrika, ayaa waxaa uu suurta geliyey in Magaalooyinka dalka Soomaaliya ay ka qeybgalaan Ciyaarihii caasimadaha oo la xusuusto in Magaalooyin dalka ay labadii sano ugu danbeeysay soo gaareen kaalinta kama danbeysta ee Finalka taasoo ah Horumar lagu xusuusan doono Injineerka kaalintii wanaagsaneyd ee uu kulahaa.
Injineer Baana Cali oo ay ka muuqatey Soomaalinimo & sida uu u jecelyahay kor u qaadista Calanka dalkeena Soomaaliya fagaarayaasha caalamka ayaa si weeyn ugu mahadceliyey Umadda Soomaaliyeed gaar ahaan Bahda Sportiga Kubadda koleyga,hadii ay noqon lahaayeen Gudoomiyayaal,Tababarayaal caan ah,masuuliyiin Kubadda koleyga, iyo ciyaartoy isagoo balan qaaday inuu had iyo jeer siin doono talooyinka looga baahdo sida aad ku dhegeysan karto wareysigiisa hoose oo aad u xiiso badan:

 



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line