Maalintii shalay Waxaa Magaalada Kampala ee Caasimada dalka Uganda ka dhacay shir weyne ay isugu yimaadeen xubnaha ku jira dalada Dowladaha Bariga iyo Bartamaha Africa ee Ciyaaraha Kubada Koleyga ku midoobey [FIBA AFRICA zone-V]. Shirkaan ayaa hor dhac waxa uu u ahaa Ciyaaraha Sanadlaha ah ee Sanad weliba Dowladaha ku jira FIBA AFRICA zone-V ku tartamaan Ciyaarta Kubada Koleyga Willal iyo Gabdho, iyadoona Tartankaan loogu Magacdaro Tartanka Caasimadaha Dalalka Bariga iyo Bartamaha Africa, [East & Central Africa Inter cities Basketball (zone V) tournament]. Dalka Soomaaliya ayaa Shirkaan waxaa u matalayay Madaxa Suuq geynta FIBA AFRICA Eng. Baana Abdalla Ali, iyadoona ay goob joog ka ahaayeen dhamaan Xubnaha Dowladaha Bariga Afrika ee ku jira Zone-V. Tartankaan oo ah kii 14-aad ee Ciyaaraha Caasimadaha dalalka Bariga iyo Bartamaha Africa ayaa Sanadkaan waxaa dalka Soomaaliya ugu qeyb galeesa labo kooxood oo ka kala socota Caasimadaha Muqdisho iyo Hargeysa oo wiilal ah. Wiilasha ku ciyaaraya Magaca Caasimada Muqdisho, ayaa iyagu habeenkii xalay soo gaaray Magaalada Kampala ee caasimada dalka Uganda, waana koox ka tirsan kooxaha Soomaalida ee ku sugan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya kuwaasi oo horey dalka Kenya ugu qeyb galay ciyaaraha nuucaan ah sanadkii hore. Duqa Magaalada Kampala Mr Erias oo Maalintii shalay la hadlay Xubnaha FIBA AFRICA ee ku sugan Kampala ayaa waxa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay Marti gelinta Sanadkaan ee dalkiisa Marti gelineeso Tartanka 14-aad, asigoona sheegay in uu aad usoo dhaweenayo Madaxda kala gedisan ee ka kala socotaha Dowladaha ay walaalaha yihiin. Guddoomiyaha Xiriirka Kubada Koleyga dalka Uganda Mr Ambrose oo xilligaan ah Guddoomiye kuxigeenka Guddiga FIBA AFRICA, ayaa dhankiisa soo dhaweeyay qabashada Tartanka 14-aad ee Ciyaaraha Caasimadaha dalalka Bariga iyo Bartamaha Africa, asigoona ku tilmaamay Guul ay Gaareen Guddiga FIBA AFRICA. Dhanka kale Guddoomiyaha Sanadkaan ee Tartanka 14-aad Ciyaaraha Caasimadaha dalalka Bariga iyo Bartamaha Africa Mr Simon, ayaa waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyay socoshada tartankaan, asigoona sheegay in uu rajeenayo in ay guul ku dhamaato Tartanka. Dalka Soomaaliya ayaa waxaa shirkaasi ugu hadlay Madaxda Suuq geynta FIBA AFRICA, Eng Bana Abdalla Ali, oo xubin fir fircoon ka ah Guddiga Dallada ay ku midoobeen dalalka bariga iyo Bartamaha Africa ee FIBA AFRICA Zone-V. Eng. Baana waxa uu u Mahad celiyay Madaxda Dowlada Uganda iyo Guddiga FIBA AFRICA, Asigoona sidoo kale Amaan u jeediyay Dowladihii kasoo qeyb galay tartankaan, waxa uuna rajo ka muujiyay in sanadka soo socda ay Tartankaan kasoo qeyb galaan Caasimo intaan ka badan. "Dalkeena dhibaatooyin ayaa ka jira, balse sanadkaan waan ka duwanahay sanadkii hore, kan soo socdana waxaan rajeeneenaa Caasimado kale in ay kusoo kordhaan Tartanka"Ayuu yiri Baana. Tartankaan oo bilaabanaya Maanta oo Taariikhda ku beegan 24-04-2012, ayaa lagu wadaa in uu soo gaba gaboobo 28-04-2012, iyadoona ay ka qeyb galayaan 12-kooxood oo isugu jira Wiilal iyo Gabdho. 14-th East & Central Africa Inter cities Basketball (zone V) Tournament Men and Women, ayaa waxaa loogu kala qeyb galaya Sida tan. Men - Wiilasha. Mugadishu & Hargeysa - Somaliya Dhinaca Gabdhaha oo ah 4-kooxood oo kaliya ayaa waxa ay ka kala socdaan. Nairobi - Kenya Kampala, Mukano, Mayo - Uganda. Dalka Uganda oo Marti gelinaayo Koobkaan ayaa ugu kooxo badan marka loo eego caasimadaha ugu qeyb galaya Tartanka. Maanta ayaa lagu wadaa in kulamada ugu horeeya ay fooda is daraan Mogadishu vs Jubba oo ka socota Koonfurta dalka Sudan, iyadoo kulanka xiga ay ciyaari doonaan Hargeysa vs Mokono oo ka socoto dalka Uganda. Taageerayaal fara badan oo Soomaali ah ayaa la filayaa in ay kasoo qeyb galaan ciyaarta Maanta oo ah mid aad u xiiso badan. Salah Hassan Omer [Salah Dheere] Email: s.dheere@hotmail.com |
Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line
|