• Barcelona oo ku guuleysatay Club World Cup 2015

Kooxda Barcelona ayaa ku guuleysatay koobkii kooxaha Aduunka, kadib markii ay 3-0 kaga badisay kooxda River Plate.

Ciyaartani oo lagu qabtay Yokohama ee dalka Japan ayaa waxaa kasoo qeybgalay dadweyne aad u tiro badan

Kooxda River Plate ayaa la soo shirtagtay 10.000 (Toban kun) taageereyaal ah, tasoo ka dhigtay taageereyaasha ugu badan abid (Record) ee ay koox la timaado tartankan.

Taageereyaashani tiradada badan ayaa si ay u dhiirigeliyaan kooxooda usoo galay safar dheer oo ah 18,000-kilometre Buenos Aires ilaa iyo Tokyo.

Labadan kooxood ayaa garoonka la soo galay ciyaar aad u xiiso badan.

Wixii hada weerar iyo weerar celin leesku hayo, Lionel Messi ayaa billaabay dhaliska goolasha ee kooxda Barcelona keddib markii, uu fursadda dhalinta siiyay Neymar

Labadii gool ee kala ayaa kooxda Baracelona waxaa u saxiixay Suarez

Suarez ayaa u qaaday kooxdiisa Club World Cup isagoo dhaliyeyna 5 gool, wuxuuna ku biiray Messi iyo Cesar Delgado oo dhammaan dhaliska goolasha dadkii u sarreeyay.

Kooxda Barcelona ayaa noqotay kooxdii ugu horeysay ee koobkani kooxaha Aduunka "Club World Cup" ku guuleysatay seddax jeer. Waxaa si yaab leh laba jeer oo hore koobkani ugu guuleysatay kooxda Corinthians.

Messi, Andres Iniesta, Dani Alves, Sergio Busquets iyo Gerard Pique ayaa noqday ciyartooyda keliya ee koobkani ku guuleystay seddax jeer.

 

Barcelona ayaa xili ciyareedkii la soo dhaafay ku wada guuleysatay Horyaalka Spain "La Liga" , Champions League, Copa del Rey iyo UEFA Super Cup, haddana ku darsatay Club World Cup. Koobka keliya ee ay ku guuleysan weyday ayaa ah The Spanish Super Cup.

Dhamaan goolasha ciyaartani ka daawo xagga sare

W/D Mohamed Busuri




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line