• Barca Oo Ku Guuleysatay Horyaalka Spain Iyadoo Aan Ciyaarin

 

Kooxda Barcelona ayaa markii 19aad ku guuleysatay horyaalka Spain 2008/2009.

Barcelona ayaa horyaalkan gacanta ku dhigtay iyadoo aan ciyaarin kadib markii kooxda Real Madrid oo dhibco ahaan u soo dhaweyd ay guul darro kala kullantay Villareal oo 3-2 dirtay.

Ciyaartan ka hor Barcellona waxay lahayd 86 dhibcood. Halka Real Madrid ay iyaduna heysatay 78 iyadoo ay weli u harsan yihiin min 3 ciyaar.

Real Madrid ayaa iyadu ku hormartay ciyaarta iyadoo sabtidii la kullantay Villareal. Real ayaa kullankani aad ugu xernaa rajada ay ka qabtay iney ka daba timaado Barca. Hase yeshee rajadaasi ayaa waxaa daaqadda ka tuurtay Villareal oo 3-2 ku macasalameeysay.

Ileen waxaa la yiri Nin dhibkiisa nin bey dheeftiisu tahay. Guuldarradan Real waxaa ka faa'iideesatay Barcelona oo iyadoonba garoon soo galin horyaalka qaadatay kol haddii kooxda Real xitaa haddii ay badiso labada kullan u harsan aaney marnba soo gaari karin 86 dhibcood.

 

Barca ciyaarteeteeda ayaa iyaduna waxay Axaddii la yeelatay Mallorca. Inkastoo ciyaartan 2-1 laga badiyay haddan waxay ku faraxsantahay sida ay dhib la'aanta ugu guuleysatay horyaalka "Spain La Liga"

Barca ayaa sidoo kale Arabacadii ku guuleysatay Copa del Rey.

Kooxdan waxay hadda isu diyaarineysaa iney ku darsato koobka Champions League oo ay ciyaarta finalka wada yeelan doonaan Manchester United bishan May 27keed. Kullankaasi oo ka dhici doona magaalda Roma, Italy

W/D: Mohamed Busuri
mbusuri@xidd igaha.ca
Toronto, Canada


 


 

 

Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line