• Beckham Oo Ka Lacag Badan Messi Iyo Ronaldinho

Waregeyska todobaadlaha ah ee kasoo baxa dalka Fransiiska ee la yiraahdo France Football. ayaa sannadkiiba mar soo shaaciya magacyada ciyaartooyda ugu lacagta badan iyo sida ay u kal horeyaan.

Haddaba sanadkan waxaa kaalita kowaad galay ciyaartoyga kooxda Milan iyo xulka Ingriiska David Bekham oo sannadkii hore ay soo gashay lacag dhan 32.4 milioni euro. Kaalinta labaad waxaa ku jiro ciyaartooyga kooxda Barcelona Messi oo sannadkii xalaaleestay 28.6. Kaalinta seddaxaad waxaa buuxiyay Ronaldinho oo la hooyday 19.6.

Cristiano Ronaldo oo u ciyaara kooxda Manchester United ahna ciyaartooyda sannadka ayaa 18.3 kaalinta 4aad kaga jira ciyaartooyda maalqabeenada adduunka.

Dhanka tababareyaasha waxaa hogaanka u hayo tababaraha kooxda Chelsea Scolari oo jeebka gishta 12.5 milyan euro. Halka Mourinho uu qaato 11. Hiddink isagana 9. Tababaraha xulka Ingriiska Capello wuxuu la kacaa 8.5 milyan

Ciyaartooyda Tayaangia waxaa ugu lacag badan Cannavaro oo u safta Real Madrid isagoo 11.5 milayn euro isku qaboojiyay.

Labaatanka ciyaartooy ee ugu lacagta badan iyo inta uu midkiiba qaato ayaa waxay kala yihiin sidatan:

Beckham 32.4 milioni di euro
Messi 28.6
Ronaldinho 19.6
Cristiano Ronaldo 18.3
Henry 17
Kakà 15.1
Ibrahimovic 14
Rooney 13.5
Lampard 13
Terry 11.7
Cannavaro 11.5
Robinho 11.4
Ballack 11.3
Gerrard 11.3
Drogba 10.7
Buffon 10.5
Del Piero 10.4
Casillas 10.2
Fabregas 10
Totti 9.9.

 


 


W/D Mohamed Busuri
mbusuri@xiddigaha.ca




 


 

 

Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line