• Tartan Sports ee da'yarta gobolka Mudg oo la soo gabagabeeyay


Waxaa maantay la soo gaba gabeeyey tartankaan ku badda cagta ah,kaaso muddanba ka socday garoonka kubadda cagta ee magaaladda Gaalkacyo waxana ka qeyb galay ilaa 16-kooxod oo ka tirsan kooxaha da'yarta ee ka dhisan xaafaddaha magaaladda Gaalkacyo.

Tartankaan waxaa da'yarta gobolka Mudug gaar ahana kuwa ku dhaqan Gaalkacyo u qabtay Ururka Somalia Sports And Relief Organization,ururkaaso ka shaqeeya horumarinta da'yarta Soomaaliyed kana caawiya sidii ay u heli lahaayeen tar tamo Sports oo an wax qarash ah iyaga ugu bixin,taaso looga goleeyahay sidii ay isku dhex gal loogu sameen lahaa dhalinyaradda da'yarta,waxana tar tamadaan ay ka caawinayan inay ka jestan dhalinyaradda da'yarta ah wax kasta oo nolashooda sameen ku reebi kara sida falalka lidiga ku ah horumarinta
dhalinyaradda oo ay ka mid yihiin burcad baddednimada iyo falalka la
halmaama.

Xiritankii tartankaan oo munaasabad ballaaran loogu qabtay guddaha garoonka kubadda cagta waxaa hadalo dhiiri galin ah ka jeediyey guddoomiyaha Ururka Somalia Sports And Relief Organization,maamulka Sportska gobolka Mudug.

Ugu horentii waxaa munaasabada xiritaanka hadal ka jeediyey guddoomiyaha Ururka Somalia Sports And Relief Organization Cabdiqani Khaliif (Carabey )waxana uu faah faahin ka bixiyey tar tankaan mudada usocday 16-kooxod oo ka mid ah da'yarta gobolka Mudug gaar ahana kuwa
ku nool magaaladda Gaalkacyo ay u qabteen,waxana sidoo kale guddoomiyuhu uu soo hadal qaday in ay ka dhaxlen tar tankaan arrimo dhoor ah oo ay ka mid yihiin in dhalinyaradii ay usuu ragashey inay isbartan is dhex galka ay ka timid mudadii uu socdat tartanka.

"Runtii waxaa farxad inuu ah in mudo kadib anu soo gaba gabeeno tartankii ano uqabaney da'yarta Gaalkacyo,16 koox baa ka qeyb gashay tartanka waxana runtii ka dhaxaley wax wanagsan maadama tiro inta la'eg oo dhalinyaro ah ay isku barten kuwaaso ku kulmay tartanka inta uu socday,waxaa dhalatay is dhex gal dhalinyarada dhex dooda ah,waxana intooda badan ay ku balameen inay dhex mari donto ciyaaro saaxibtinimo oo ay ku xoojinayan is dhexgalkooda,

Arrintan runtii si weyn bay nooga farxisey,waxana ku dadaali doona inan si wadno tar tamadan"ayuu yiri guddoomiye Carabey.

Sidoo kale guddoomiye Cabdiqani waxaa uu sheegay inay qorsheynayan tartamo ay dhawan u qabna doonan dhalinyarada ku kala nool waqooyiga iyo koonfurta Gaalkacyo,si ay u timaado is dhexgal dhalinyaradda dhexdooda ah. "Waxan qorsheynayna sidii anuu isugu soo dhaweyn lahaayeen maamulada Sports ee ka kala dhisan waqooyiga iyo koonfurta Gaalkayo,waxana
dhawan qaban doona tar tamo u dhaxeeya dhalinyarada waqooyiga iyo
koonfurta si ay u timado is dhex gal dhexdooda ah"ayuu yiri guddopmiye Carabey. Waxaa uu baaq u diray guddoomiye Cabdiqani Carabey dhamanba jaaliyaddaha Soomaaliyed ee ku dhaqan dalka dibaddisa gaar ahaana jaaliyadda gobolka mudug,waxana uu ugu baaqay inay ka qeyb qaatan dadaalada lugu hprumarinayo dhalinyarada da'yarta ah,waxana uu soo hadal qaday inay xiligan jirto baahi weyn oo dhanka goroomadda ay dhalinyaradu ku ciyaaran iyo qabkooda sports.

Mid ka mid ah dhalinyaradi ka qeyb gashey tar tanka ayaa waxaa uu si weyn ugu mahad-celiyey ururka xiligan tar tana u qabtay waxana uu seegay inay soo dhaweynayan xiligan dadaalka ay wadan ururka S S R O,waxana ay sheegen inaysan wali arag tarmo la mid ah kan xiligan loo
qabtay maadama si fari ah ay uga qeyb galen. Maamulka Sports-ka gobolka Mudug ayaa iyaguna dhinacooda soo dhweyey tartankaan maantay soo dhamadey waxana ay ku tilmaamen guul maadama dhalinyar tiro intas ah tartankan ay ka qeyb galen,waxana ay u
mahad-celiyen ururka S S R O.

Gaba gabadii munaasabada ayaa waxa abalmarino la gudoonsiyey kooxdii ku guleysatay tar tankan oo la yirahda Horseed,waxana la siiyey agab Sports iyo koobkii ay ku guulesten,waxana qalabkan la gudonsiiyey kooxda tar tanka ku guulesatay ay ka timid mowaadin Soomaaliyed oo ka mid ah jaaliyadda Sportska Uk,gaar ahana magaaladda London Xuseen Deeq
oo ay dhalinyaru ugu mahad-celiyen taageeradisa.





Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line