Waxaa dhawaan
magaaladda Atlanta ee cagriga Mareykanka lagu qabtay Casuumad si heer
sare ah loo soo agaasimay oo ay soo qabanqaabiyeen Guddiga Somali -American
Center iyo Guddiga Isboortiga iyo Dhaqanka ee Atlanta,waxaana Xafladaasi
ka soo qeyb galay dhamaan Jaaliyaddaha kala duwan ee ku dhaqan Magaaladaani
sida Xubnaha Somali-America Center,Guddiga Isboortiga iyo Dhaqanka,xubno
ka socday Dhalinyaradda,Odaayasha iyo qaar ka tirsan Hooyooyinka Magaaladda
Atlanta,waxaana ka qeyb galka xafladaasi ay aheyd mid aan loo kala harin
taa oo lagu muujiyey isku duubnidda Jaaliyadda Atlanta.
Xafladaasi oo lagu soo dhaweenaayey Mudane AADEN BARRE DUCAALE oo ka mid
ah Hogaamiyayaasha Xisbiga Taladda haya ee KENYA,ayaa waxa Xafladaasi
ugu horeentii ka hadlay qaar ka tirsan xubnaha ugu firfircoon Jaaliyadda
ku nool Magaaladda Atlanta sida Gudoomiyaha Jaaliyadda Somali-American
Center,Dr. Cumar,Oday Jaamac oo ka soo qeybgalayaashii shucuurtooda kiciyey,Marwo
Caasha Geele,waxayna dhamaantood ka hadleen abaalka ay u hayaan Dawladda
KENYA iyo shacabkooda taa oo aheyd gargaarkii ay u fidiyeen Qaxootiga
Soomaaliyeed markii dagaalkii ahliga aheyd uu Somalia ka dhacay,waxayna
dhamaantood cadeeyeen in abaalkaasi uu geli doono Taarikhda Ummadda Soomaaliyeed
loona gudbin doono jiilalka soo koraayo si mustaqbalka loogu diyaar garoobo
sidii abaalkaasi loo guddi lahaa.
Gudoomiyha Jaaliyadda Somali-American Mudane Inj. Cumar Shekhey ayaa waxa
uu cod baahiyaha ku soo dhaweeyey Mudane Aaden Barre Ducaale oo runtii
la yaabay sida loogu sacab tumay taa oo muujineysa sida Somalida Reer
Atlanta ay ugu faraxsanyihiin soo dhaweynta Walaalkood Mr.Ducaale.
Mudane Aaden Barre Ducaale oo ay wajigisa ka muuqatay farxad walaltinimo
ayaa waxa uu halkaa ka jeediyey khudbad Taarikhda Ummadda Soomaaliyeed
geli doonta,isagoo sheegay in maanta ay ii tahay maalin aan waligey iloobi
doonin,waxaana aad iyo aad ugu farxay Midnimadda ka muuqato Shacabka Soomaaliyeed
ee Reer Atlanta,waxaana uu kula dardaarmay Soomalida Atlanta in midnimo
lagu gaari karo hadafyadda ay Ummadda Tiigsaneyso,waxaan idin sheegayaa
in gargarkii aan u fidinay Ummadda Soomaaliyeed waqtigii dagaaladda sokeeyey
waa mid waajib nagu ahaa madaama aanu ka soo jeedno Soomalida ku nool
Dalka Keenya waayo waxaad tihiin walaalo mudan in la garab istaago siiba
waqtiyadda ay dhibaatadda jirto,Mudane Ducaale waxa uu yiri waxa waxx
lagu faano ah in Soomalidu ay tahay dad aad iyo aad u firfircoon waxaana
ka kororsanya aqoon badan sida Ganacsiga iyo waxyaabaha soo raaca oo ay
ka mid yihiin sida loo abuuro jawi is dhexgel oo ku wajahan abuuritaan
iskaashi oo dhan walbaba leh,waxa kaloo uu sheegay Mudane Ducaale in waxyaabihii
aanu ka baranay Soomaalidii nagu soo qaxday waxa ka mid ah in aanu diiradda
saarno sidii aanu xubno badan ugu yeelan laheyn Dawladda Kenya taa oo
ku timid shaqo aad u baaxad weyn oo ay galeen Soomalida Kenya,maanta waxa
sharaf noo ah in Barlamaanka Keenya aanu ku leenahay illa 30 Xubnood oo
Soomali ah isla markaana Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Keenya ay tahay
Gabar ka soo jeeda Soomaalida Keenya wallow aanu nahay 5% dadka Keenya
ku nool,sidoo kale Dawladda Keenya dakhliga soo galay waxa kaalinta labaad
ah Canshuurta ay ka helaan Ganacsiga Soomalida oo maanat meel sare maraayo,marka
arrimahaas oo is biirsaday ayaa waxa ay noo sahleen in aanu guulo badan
gaaro,anigoo uga mahad celinaayo Soomaalida oo maanta fahantay in Qoriga
uusan xal keeneynin,waxa kaloo aan halkaan uga dirayaa salaan walaltinimo
ah Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Shekh oo runtii juhdi badan ugu
jira sidii ay Soomaalida ay mar kale cagaheeda ugu istaagi laheyd isagoo
saaxiib dhaw la ah Madaxda sare ee Keenya,waxaana halkaa loogu tumay sacab
aad iyo aad u badnaa oo uu ku kasbaday sida saraaxadda aheyd uu u jeediyey
khudbadaasi.
waxaa kaloo in la xuso u baahan in Gudoomiyaha Jaaliyadda Mudane Inj.
Cumar Sheekhey iyo Mudane Aaden Gaabane ay fursad qaali ah siiyeen Mudane
Aaden Barre Ducaale ka dib markii ay la kulan siiyeen Madaxda Jaamacaddaha
GEORGE STATE IYO MORRIS COLLEGE iyadoo la isla gartay wafdi ka socda Jamacadahaasi
iuo Jaaliyada Soomali-American ay abooqasho ku tagaan Dalka Keenya si
ay u soo indhaindheeyaan xaaladda Qaxootiga Soomaaliyeed ee dalkaasi ku
nool,lagana caawino aqoon kororsi dhanka Maamulka ,Hogaaminta iyo arrimaha
Bulshada taa oo la isku afgartay loona hawl geli doono dhaqangelinteeda
waqtiyadda fooda nagu soo haya.
waxaana Barnaamijkaasi daadihinaayey Mudane INJ. CABDINASIR CUSMAAN DHALAC
oo ka mid ah aqoonyahanadda Magaaladda Atlanta isla markaana ka mid ah
wariyayaasha fara ku tiriska ah oo ka hawl gala RAADIYO QARAN,isago daadihintiisa
ay ka muuqatay aqoonta durugsan uu u leeyahay wariyanimadda taa oo runti
ku amaaneen ka soo qeyb galayaashi shirkaasi oo uu uu ugu horeeyo Mudane
Aaden Barre Ducaale.
Ugu Dambeyntii waxa shirkii ka hadlay Duqa Magaaladda Clarkston Mr. EMANUEL
RANSOM oo sheegay in ay Magaaladiisa ay sharaf u tahay in ay soo dhaweeyaan
Mudane Ducaale,waxaana uu ka codsaday in aysan noqonin booqashadiisii
ugu dambeysay,waxaana uu shirkii ku soo djhamaadaiyGUUL
W.D Dr Ali
Osman
|
Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line
|
|