• Qaabkii Looga Ciiday Toronto - Canada

     

 

Toronto:-Waxaa maalinkii Axadda oo ay ah taariikdu ahayd August 19,2012 lagu tukaday Markazka weyn ee Dar-ul-Hijra Islamic Centre ee ku yaal magaalada Toronto ee Dalka Canada Salaaddi Ciidul Fitriga .

Dadka Muslimiinta ee halkaas isugu soo baxay oo kumayaal gaarayay ayaa waxaa wajigooda ka muuqday farxad iyo rayn rayn . Khutbadi Ciidda waxaa halkaas kasoo jeediyay Sheekh Dr. Reda Abu Ahmed .

Waxaa kale oo madasha ciidda hadallo koo koooban kasoo jeediyay salaadda ka hor mas'uuliyiin ka tarsan Maamulka iyo Guddiga Markazka Dar-ul-Hijra.Markii Salaaddii Ciida ay dhamaatay ayaa dadkii waxaa ay bilaabeen in ay iskugu hambalyeeyaan ciida dabadeed waxaa halkaas lagu soo bandhigay qalab ay Caruurtu ku ciyaaraan iyo raashin kala duduwan oo lagu wada farxay oo socday maalinki oo dhan.


Allah waxaan ka baryeynaa in uu naga aqbalo Camalkeenna Suuban.Amiin.

Taqabalallahu Minnaa Waminkum Saalixul Acmaal. Ciid Mubaarak.

jazaakumullah,

C/rashiid Cali Maxamed

Maamulka Markazka Dar-ul-Hijra

info@darulhijra.org




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line