Waxaa maalinimaddii Talaadada ee ay taariikhdu ahayd 26ka November, 2013 ka dhacday magaaladda Kismayu ee caasimadda Gobolka Jubadda Hoose Doorashadii Xiriirka Kubadda Cagta ee gobolka oo lagu qabtay Hotel Qiil-mawaaye eek u yaal xeebta quruxda badan ee Calanley.
Waxaa goobta lagu soo dhoweeyey Xoghayihii hore ee Xiriirka Kubadda Cagta G/J/Hoose Ahmed Taqal (Timo-Jilic) si uu warbixin kooban ugaga bixiyo waxqabadkii Xiriirka dabadeedna waxaa halkaas lagu soo dhoweeyey musharaxa kaliya ee buuxiyey shuruudaha laga rabay, Burhan, halkaas oo uu ka soo jeediyey taariikhdiisa oo kooban iyo waxa uu damacsan yahay inuu ka qabto kubadda cagta gobolka.
Waxaa loo guda galay doorashaddi Guddoomiyaha waxaana waraaqihii doorashadda u qaybiyey wakiiladda Sports ka 5 ta degmo ee kala ah Kismayu, Afmadow, Jamame, Badhadhe, iyo Xagar Guddoomiye Ku-Xigeenka Guddiga Doorashadda jaalle Shakiib Dhowre. Haddaba waxay 4 degmo soo doorteen Burhan Kukuyo halka hal codna uu xumaaday.
Guddoomiyaha
Qabanqaabadda shirka, Eng. Abdisamed, ayaa si buuxda ugu dhawaaqay natiijaddii
doorashadda isagoo markhaati ka dhiganaya dadweyne kor u dhaafay laba
boqol (200) oo isugu jiray rag iyo dumar in Burhan Kukuyo uu yahay Guddoomiyaha
Xiriirka Kubadda Cagta G/J/Hoose muddo hal sano ah isla markaasna uu muddo
sitimaan ah ku soo dhamaystiro maamulkiisa, waxaa la cadeeyeye in cidii
ka hortimaada natiijadan loo aqoonsan doono kuwo ka soo horjeeda ammaanka
iyo waliba horumarka sports ka gobolka iyo Soomaaliyaba.
Xoghayaha Olympic ka Soomaaliyeed Jaalle Duraan ayaa sidoo kale hambalyo iyo dardaaranba isugu daray Guddoomiyaha cusub isla markaasna si qoto dheer ugu sharxay dadweynihii tiradda badnaa GOS iyo sida ay u wada shaqeyn karaan G/J/Hoose iyo waliba Zone 4 oo ka kooban 3 da gobol ee Jubaland. Xoghayaha iyo madaxa horumarinta Gobolka Banaadir jaalle Daa’uud Shire ayaa Guddoomiyaha cusub ku wareejiyey qalab cusub oo isugu jiray kubaddo, shinguards, buufin, seeri, hal koox qalabkeed, iyo shaararka tababarayaasha.
Waxaan sinaba lagu hilmaameyn talooyinkii iyo waaya-aragnimaddii laacibkii weynaa ee Abdalla Shino oo ah nin u qalma hogaanka qaybaha kala duwan ee Sports ka sidoo kale waxaa xusid mudan qurba-joogta Sports ka Gobolka Jubadda Hoose sida Abdi Xaq, Mohamud Yare, Khalif Riko, Tufaah Sayid, Mohamed Muse Jabroos, iyo Cumari Faruur oo aad isleedahay magaaladda Kismayu ayeey qayb ka deganaayeen, Dr. Abdisamed Abicar Haji ayaa talo iyo tusaale la garabtaagnaa Guddiga Doorashadda har iyo habeenba.
M D Abdiwahab |
Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line
|