Waxa magaaladda Atlanta lagu qabtay shir caalami ah oo ay qabnaqaabisay mid ka mid ah Jaamacadaha ugu qadiimsan ee Atlanta oo la yiraahdo MOREHOUSE COLLEGE,shirkaa oo ay ka soo qeyb galeen marti sharaf ka kala socotay Dalalka Yurub ,Amerika iyo shaqsiyaad matalaayey Dawladaha Afrikaanka ah,waxanaana looga hadlaayey JOURNALISM AND SPORT PROGRAM.
Waxaana ugu horeentii halkaa khudbad qiimo leh ka jeediyey Madaxweynaha MOREHOUSE COLLEGE Dr. Robert M. Franklin,waxaana uu aad iyo aad ugu mahadceliyey ka soo qeybgalayaashii ka kala yimid Qaaradaha Yurub ,Amerika iyo Afrika,waxaana uu si qoto dheer uga hadlay qiimaha Joournaalismadda ay u leedahay Horumarinta Isboortiga,waayo waxa ay mar kastaba sameyn ku yeelan karaan horumarinta Isboortiga,waxay tilmaamaan marka uu khalaad jiro,waxay amaanaan
Ciyaaryahankii wanagsan,waxy si aan gabasho laheyn u tilmaamaan Tababarihii shaqadiisa ka soo bixi waayey,markii haddaba la arkay ahmiyadda ay leedahay Sport Journaalism ayaa waxa kordhinay imkaaniyaadka ay u baahan karto taa waxay akhiritaankii noo saamaxday in arday ka qalin jebiyey MOREHOUSE COLLEGE in ay maanta ka mid yihiin qorayaasha Isboorti ee caanka ka ah Dalkaan Mareykanka,taa waxay ku timid markii aanu ahmiyad gaar ah siinay una dhameystirnay waxyaabaha ay u baahnaan karto,waxa kaloo uu ka hadlay halka uu maanta gaarsiisan yahay Sportiga noocyadiisa kala duwan oo ay MOREHOUSE COLLEGE leedahay,waxaana halkaa Madaxweynaha loogu tumay sacab aad iyo aad u balaaran.
waxa kaloo halkaa ka hadlay Dr. SOBRY oo ka socday dalkaFRANSIISKA kana mid ah Aqoonyahanadda wax ka dhiga Jaamacadaha dalka Fransiiska isla markaana ku takhasusay xiriirka ka dhaxeeya Sportiga iyo Journaalismadda,iyo Dr.CEESVERVOORN oo dalka HOLOND ka socday marna ka mid ahaa Ciyaaryahanadda Dabaasha ee Dalkaasi Holloand,haatana wax ka dhiga Jaamacad ku taala
AMSTARDAAM ,waxayna labadaan aqoonyahan oo ka socday Qaaradda YURUB aad iyo aad ugu mahadceliyeen Madaxweynaha MOREHOSE COLLEGE Dr. FRANKLIN,waxayna aad ugu dheeraadeen ahmiyadda Journaalismadda ay u leedahay Isboortiga,waxayna isku raaceen in uusan Isboorti hirgaleen,Guuleysteen isla markaana laga gaareen Hadafka laga lahaa oo uu muhimsan in uu abuuro bulsho caafimaad qabta oo leh ujeedo mideysan isla markaana ku wajahan in la unko jiilal dhan kastaba ka wanagsan.
Waxaa in hoos laga xariiqo u baahan in ka soo qeybgalayaashii iyagoo aan u kala harin ay u soo gudbiyeen Tacsi Dr. Cali Cusmaan Cali oo ka mid ahaa ergooyinkii ka socday Dawladaha Afrikaanka,iyago ka codsaday in uu Ummadda Soomaaliyeed ka gaarsiiyo Tacsida,taa oo runtii aheyd arrin aad iyo aad uu ugu khashuucay,waxaana Dr. cali Cusmaan Cali isagoo ka mas'uul ah Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan Bahda Isboortiga uu ka gadoomay Tacsidaasi,waxaana uu aad iyo aad ugu mahadceliyey dhamaan dadkii Tacsida u soo gudbiyey oo uu ugu horeeyey ORADYAHAN EDWIN MOSES oo hore ugu guuleystay Biladda Dahabka ah ee orodka 400m ee HARDALKA sanadihii 1976 Ciyaarihii Olympigadda ee lagu qabtay Dalka canada magaaladda Montreal iyo tartankii Olympigadda ee lagu qabtay Los angels.
waxa khudbadii qaatay Dr. Cali Cusmaan Cali oo 40kii sano ee ugu dambeeyey ka mid ahaa shaqsiyaadka ka dhex muuqday isboortiga Soomaaliyeed,waxaana uu marka hore u mahadceliyey Gudoonka MOREHOUSE COLLEGE oo fursadaan siiyey,waxaana uu sheegay in waqtigii dheeraa uu isboortiiga Soomaaliyeed ku soo dhex jiray ay qorayaasha Isboortiga ay ahaayeen halka uu Isboortiga ka KACO AMA UU KA KUFO,waxay si aan leexleexasho laheyn farta ugu fiiqaan marka uu dib u dhac Isboorti yimaado iyo sababaha keena,waxay amaanaan marka Isboortiga Horumar ku talaabsado,waxaana 40kii sano aan ku soo jiray aan halkaan amaan uga soo jeedinayaa Qoarayaashii qeybta Libaax ka qaatay wax ka qoridda Isboortigeena,waxaana ay kala ahaayeen,Aariyoo(Raadiyo Muqdishu),Abshir Caseyr(Raadiyo Muqdsihu),Idris Cigaal(Raadiyo Muqdishu),Mijir Qaadi(raadiyo Muqdishu),Saciid Sonna(Xiddigta Oktoober),Axmed xasan Cowke(Raadiyo Muqdishu),Cabdulaahi Nuur Kolombo(Barnaamijii Ciyaaraha),Axmed Cabdi Nuur(Barnaamijkii Ciyaaraha),Nageeye(Barnaamijkii Ciyaaraha),Muse Xaaji Saciid(Xiddigtiii Oktoober),Baacakaba(Xiddigtii Oktoober),Tarbiici(Xiddigtii Oktoober),Najiib Ciise(Xiddigtii Oktoober),Amiin Caamir(Farshanka Isboortiga),cabdiraxmaan Dinaari(wasaaradda Isboortiga),Saciid Cali Muse(BBC SPORT),Mohamed Busuri (Xiddigaha.ca/Somali Canadian Times), Cabdixafiid Zaciimka(Shabeele Isboorti),Saciid Buuna(Isboortiga.com),Sunni saciid(Ciyaaro.com),Tababare Shiikha(Somali Youth.org).Maxamed Ismaaciil(Ciyaaraha .com),Muxidiin Jaamaca(Somali week)Yuusuf Yuusuf(SSMEDIA),Cabdinasir Solo(Universal TV),Inj.biibo(Somgoal),Godax(Somali Sport),Maxamed Mukhtaar(Ciyaarahadunida),Cabdihodan Afrax(Ceelbuurnet),iyo dayniile(Maxamed Cali),kuwaaso dhamaantood qeyb libaax ka qaatay horumarinta isboortiga,kuwaa oo aan maanta ku amaanaayo doorkii shariifka ahaa oo ay ka soo qaateen horumarinta,waxaan kaloo halkaan aan ku cadeynayaa in dhamaan aan la soo wada shaqeeyey wax badanna ay iga qoreen intii aan Isboortiga ku soo jiireen marka laga reebo qaar yar oo isla markaana ay ummadda Soomaaliyeed ay u hayaan qiimeyn badan,waxaa kaloo isboortigeena uu soo maray marxalado kala duwan oo qaarkood xusuus mudanyihii,waxaana shirkii ku soo dhamaaday guul.
W/D Dr. Ali Osman
|
Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line
|
|