• DR. CALI CUSMAAN:GUDOOMIYE TARSAN HAMBALYO

     

Gobolka Benaadir iyo Dawladda Hoose ee xamar waxa waajibaadkooda ugu horeeyo ka mid ah in la hormariyo Nabadgelyadda iyo arrimaha Bulshada kuwaa oo runti soo celin kara karaamadii Magaaladda Madaxda Dalka Somaalia ee Mogadishu oo ah Muraayadda Qaranka Soomaaliyeed isla markaana leh Taarikh aad iyo aad u fac weyn wallow ay dagaaladii sokeeyey waxyeeleeyeen.


Markii Mudane Maxamuud Axmed Nuur(TARSAN) loo soo magacaabay in uu Gobolka Benaadir Hogaamiye,waxa uu durbadiida diiradda saaray qodobadda kala ah Nabadgelyadda,unkidda ilo dhaqaale,horumarinta Arrimaha Bulshadda gaar ahaan ISBOORTIGA,ka hortegidda warqadaha been abuurka ee ku saabsan lahaanshaha dhulalka iyo soo celintii bilicdii magaalaadda Muqdishu.


Waxaanu maanta qormadeyna ku soo qaadaneynaa waxqabadkii Gobolka Benaadir ee dhanka Isboortiga mudadii yareyd oo uu hogaaminaayey Halyey Maxameu Axmed Nuur(TARSAN) oo maanta Taarikhda Ummadda Soomaaliyeed ka galay meelaheeda qiimaha leh una huray Gobolkaani wax alla waxii awood ah oo sharciga u saamaxaayo.


Mudane Maxamuud Axmed Tarsan oo ka mid ah khabiiradda Isboortiga Soomaaliyeed si mug lehna u garanaayo doorka uu Isboortiga qaadan karo,ayaa isagoo khaashanaayo saarakiisha isaga la shaqeyso ayaa waxa la go'aansaday in diiradda la saaray abaabulka Isboortiga Gobolka Benaadir oo leh cudud dhalinyaro oo aan la dhayalsan karin si loo abuuro jawi saamaxaayo is dhexgel ku wajahan in xididaha loo siibo colaad hadaafka ah oo la dhex dhigay bulshadeena iyado laga lahaa arrimo Siyaasadeed.


Gudoomiyaha Gobolka Benaadir Mr. TARSAN markii uu arkay ahmiyadda uu Isboortiga u leeyahay abuuritaanka dhalinyaro leh cudud mideysan oo u heelan ka qeyb galka horumar kasto oo ku aadan Qaranka Soomaaliyeed,markii la arkay in uu dhalinyaradda ku toosinaayo tubta toosan madaama Isboortiga laga barto Ixtiraam iyo kala dambeyn,ayaa Gudoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane TARSAN isagoo khaashanaayo Gudiyadiisa kala duwan ee Gobolka Benaadir ayaa waxa lagu dhiiradda in la abaabulo Tartamo Isboorti ee Gudaha iyo Dibaddaba leh oo Magaca Gobolka Benaadir looga qeyn galo,waxaana Sanadkii aanu soo dhaafnay ee 2011 lagu dhiiraday in la abaabulo kuwa soo socdo.


1)Tartankii Caasimadaha Dalalka Afrika oo lagu qabtay Dalka Keenya Magaaladda Madaxdiisa ee Nairobi oo ay ka qeyb galeen Gabdho iyo Wiilal Kubadda Koleyga ah oo ku ciyaaraayey Magaca Magaaladda MUQDISHU.
2)Ka qeyb galkii Tartankii Goboladda ee lagu qabtay Magaaladda Garoowe oo ay ka soo qeyb galeen illa 18 Gobol,laguna Tartamaayey Kubadda Cagta Halkaa oo ay Ciyaartoydii ku Ciyaareysay magaca Gobolka Benaadir ku guuleysatay Kaalinta Koowaad iyago si sharaf leh u daafacay magaca Magaaladda Madaxda Qaranka Soomaaliyeed halkaa ka soo qaatay Koobkii Kowaad iyo Biladii Dahabka aheyd oo loo tartamaayey.....waxaana ay Garoonka Aaden Cadde International ka soo degeyn iyagoo oo uu hogaaminaayo Mudane Maxamud Axmed Tarsan,halkaana ay ku soo dhaweyeen bulshadda Gobolka Benaadir oo aan u kala harin.
3)Mudane TARSAN Gudoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Magaaladda Muqdishu waxa uu kula kulmay Magaaladda DOHA ee Dalka QATAR Gabdhaha Xulka Qaranka ee ka qeyb galaayey Tartankii carabta,waxaana isagoo ku hadklaayo Magaca Ummada Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey Guushaasi Taarikhiga oo ay gaareen,taa oo geli doonta taarikhda .
4)Waxa gacanta lagu hayaa barnaamij lagu mataaneynaayo Gobolka Benaadir iyo Ha'aydo Isboorti ee Atlanta oo shirkii ugu horeeyey ee gogolxaarka ahaa la qabtay(PRELIMINARY MEETING),ka a oo la wadi doono inta laga gungaaraayo.
5)tartankii Degmooyinka Gobolka Benaadir ee Kubadda Cagta oo abaabulkiisa ay lahaayeen Madaxda Gobolka Benaadir oo uu ugu horeeyo Gudoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane TARSAN oo weliba awood u helay in uu keeno Furitaankii iyo Xiritaankiiba Madaxweynaha Ummada Soomaaliyeed Mudane Shekh Shariif Shekh Axmed arrinta oo ah guusha weyn oo uu Gobolka Benaadir gaaray uuna cadeeyey addunweynaha in maanta lagu guuleystay in la nabadeeyo Gobaalkaani,waxaa kaloo ay Gobolka Benaadir Ku guuleysteen in Degmooyinka Gobolka Benaadir ay maanta soo bandhigaan Cuduudooda ,addunka ay tosaan in ay maanta Ummadda Soomaaliyeed ay gacmaha is qabsatay.


Anigoo ah Mudane Dr. Cali Cusmaan Cali oo Isboortiga Soomaaliyeed ku soo dhex jiray muddo aad iyo aad u dheer garanaayana ahmiyadda uu Isboortiga uu u leeyahay isu keenidda shacabka ayaan waxaan halkaa Hambalyo iyo Mahadnaq aan la koobi kari u jeedinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliyeed Mudane Shekh Sharif Shekh Axmed iyo Gudoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Magaaladda Muqdishu Mudane Maxamuud Axmed TARSAN oo shacabka Soomaaliyeed u muujiyey ahmiyadda ay nabadda leedahay isla markaana u cadeeyey in ay kala qeyb galayaan dardargelinta soo celinta Nabadda iyo kala dambeynta.
GUUL UMMADDA SOOMAALIYEED
GUUL GOBOLKA BENAADIR
MABADDA HA WAARTO.





Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line