NAIROBI- Qilaaf xoogan ayaa soo kala dhexgalay labada nin ee ugu tunka weyn Gudiga Olympic Somalia ee GOS Aadan Yabarow Wish oo dhawaan Jaalle Wish ayaa wuxuu hoosta ku wataa oo uu gudoomiyanimada xiriirka Feerka la rabaa odeyga sports ee ay sida weyn iskugu dhintaan ee Xaaji Calow oo uu u qoondeeyay inuu jagadaasi ku quudiyo maadaama uu odeygu kaalin weyn ka ciyaaray doorashadii lagu doortay. Hayeeshee waxaa arintaasi Wish ku diidan gacan yarihiisa uu ku qaraabo ee Arimaha dibada Duran Farah oo jagadaasi la raba Gabar qurbo joog ah oo uu rabo isagana inuu jagadaasi ku naasnuujiyoay , taasoo ka dhigan awooda uu u leeyahay inuu cidii uu rabo meesha uu soo gashan karo. Iyadoo aan laga daba hadal. Is qabqabsigaan u dhaxeeya labaad shaqsi ayaa wuxuu soo baxay xilli la doonayo in xiriirka Feerka loo doorto gudoomiye cusub, iyadoo hishiiska Duran iyo Wish uu dhigayo in shaqsi waliba oo ay xil u dhiibayaan ay isla ogolaadaan maadaama ay yihiin labada nin ay talada GOS ka go'do. Qilaafkaan cusub ee ka dhex dilaacay ragaan ayaana la ogeyn meesha uu sal dhigan doono hayeeshee sida ay ku waramayaan dadka ku dhow dhow xafiiska wish ugu danbeynta isaga ayaa libinta lahaan doono maxaa yeelay wish geedkii uu ku dhago in lala jaro ma ahane sina uguma fuqo. Odey wish ayaa markii hore waxaa lagu siray jagada uu u dhiibay Duran taasoo uu lahaa Xaaji Cabdi laakiin maadaama uu Duran ka mid ahaa ragii qoshayaasha guracan ee sports somalia ay isku laheysiinayeen uu wax ka sameeyay ayaa abaalmarin ahaan looga dhigay jagadaasi. Taasoo ka dhigtay ninka 2-aad ee ugu awooda badan isla markaana go,aan uusan wax ka ogeyn aan la gaari karin. Sida ay leeyihiin bahada sports ee u dhuun duleela arimaha sporst ee gudaha ka socda waxey leeyihiin, waxaa farqaha isku xirtay markaan wasiirka sports Suleemaan Colaad iyo Duran oo isfaham xoogan uu markaan ka dhaxeeyo, taasoo aaqirka keeni karta in baalasha laga rifo Odeya Wish oo ka danbeeya odayaashii sports somalia kula haray anigaa iri hadii kale wax soconaya ma jiraan.
|
Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line   ;
|