• Madaxda FIBA AFRICA oo ku kulmay London iyo Ciyaaraha Kubada Koleyga Aduunka oo lagu qaban doono Spain

 

Madaxda Xiriirka Kubada Koleyga Aduunka ee (FIBA World), ayaa kulan balaaran oo ay ku yeesheen Magaalada London ee dalka Britian ku shaaciyay halka sanadka 2014 lagu qaban doono Koobka Kubada Koleyga Aduunka, iyo sidii Qaarada Afrika loogu heli lahaa Ciyaartoy ku wanaagsan Kubada Koleyga oo la dhigma kuwa NBA-da ka ciyaara Yurub iyo Mareykanka.

Kulanka oo ahaa Casho sharaf ay soo qaban qaabisay Xiriirka Kubada Koleyga dalka Spain oo sanadkaan marti gelinaya Koobka Kubada Koleyga Aduunka ee 2014, ayaa waxaa goob joog ka ahaa Madaxda Xiriirka Kubada Koleyga Afrika iyo Caalamka.

Xoghayihii hore ee Xiriirka Kubada Koleyga Soomaaliya, Ahna Gudoomiyaha Suuqgeynta (Zone 5) ee FIBA Africa, Eng. Baana Abdalla Ali, ayaa kulankaasi ka qeyb galay iyadoona sidoo kale ay kulanka kasoo qeyb galeen Gudoomiyaha FIBA Africa Mbusa Esaka, Xoghayaha guud ee kubada koleyga qaarada Africa Dr Alphonse Bile iyo Xoghayaha guud ee Kubada Koleyga Aduunka - Patrick Baumann.

Xoghayaha guud ee Kubada Koleyga Qaarada Africa Dr Alphonse Bile ayaa soo jeediyay in lagama maarmaan ay tahay helida Ciyaartoy Waxtar leh oo kasoo baxda Qaarada Afrika, Taasina ay suura gal ku noqon karto, in tartamada ka dhaca Qaarada Africa gaar ahaan kuwa zone-ka ay ka soo qeybgalaan dhamaan wadamada si loo helo Ciyaartoy tayo leh.

Eng Baana Ali Madaxa suuq-geynta Fiba Africa Zone V, ayaa sheegey in dabayaaqada Bishaan dalka Uganda ka dhici doono Shirka Guddiga Fulinta Zone V oo looguna hadli doono sidii loo horu-marin lahaa tayada Ciyaartoyda ka soo qeybgasha Tartanka Zone-ka, gaar ahaan Taageero lasiiyo wadamada Ethiopia , Eritrea iyo Soomaaliya, inkastoo Injineerka uu sheegay in uusan ka qeyb galeenin shirkaas, Maadaama uu weli kasii shaqeyn doono Cayaaraha Paralympic oo lagu wado in 28/08/12, uu ka furmo London.

W/D Ahmed Salah




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line