Home|


Goolhaey George (Shanta Ma Shiixde)


Xassan Sh. Awees (George)

Markii uu dhegahaada ku soo dhaco kooxda Badda iyo waayihii nabadda ee Soomaaliya. Waxaad markiiba soo xusuusaneysaa Difaaca kooxda Badda iyo Goolhayahoodi oo la magac baxay SHANTA MA SHIIXDE. Kuwaasi oo kale ahaa : Diini, Abayle, Cali Sheekh, Jamaal, Abuukar Weyne iyo George. Haddaba aynu eegno taariikhda ciyareed ee Shanta Ma Shiixde, iyo wacdarihii ay ka dhigi jireen garoomada. Haddaba aynu ugu horeysiino George.

Goolhaye Xassan Sh. Awees oo ayaa bahda spoortiga ugu yeeri jireen George(Joorje).

George wuxuu ku dhashay degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose Soomaaliya sanadkuu markuu ahaa sanadkii 1953-kii.

George yaraantii intuu iskuulka ku jiray, ayuu aad u jeclaa ciyaaraha gaar ahaan kubadda cagta.

Haddaba sannadkii 1970kii isagoo aad u da’ yar, ayuu Goerge ass’aasay koox xaafadeed, islamarkaana kabtan u noqday.

In yar ka dib ayaa kooxdan loo ogolaaday in ka mid noqoto kooxihii heerka 2aad(SeriaC), ee degmada Baraawe.
Isala sannadkaa 1970kii ayey kooxdan ku guulesteen koobkii kooxaha heerka 2aad. Halkaasina George loogu magacaabay goolhayihii ugu wanaagsanaa ee tartankan.

Tartankan markii uu dhamaaday ayaa George loo magacaabay xulka degmada Baraawe, iyada uu macallin u ahaa Cabdi Xuseen QAAJO. Haddaba macallin Qaajo markii uu aad ugu bogay George cayaartiisi, ayuu kula taliyay in uu ku wareego koox la oran jiray (Enty Banana) oo ka dhisneyd degmada Marka ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Sannadkii 1971dii ayuu George yimid magaalada Muqdisho, iyadoo ay la soo heshiyeen kooxdii la oran jiray Bangiyada kana mid ahayd kooxihii heerka 1aad(SeriaA).

George uma aanu safan kooxdan, waayo horyaalka ayaa ka hor bilowday, sidaana wuxuu ku noqday goolhayihii 3aad ee kooxda.

Haadaba kol haddii uusan u safan koox heerka 1aad(Seria A) ah, George waxaa u suurtagashay in uu ka qeybgalo cayaarihii gobolada isagoo u saftay gobolka Banadir sannadkii 1971dii. Cayaartoodii ay wada ciyaareenna waxaa ka mid ah: Abraar, Sh. Maxamed Nuur C/lle, Baaxeet, Feysal Tabeebe, Axmed Yaxye, Naaraa, Maxamed Dhiigga, Nuur Xaaji, Xamza Sayid Axmed, Maxamuud Silsila allaha u naxariisto iyo qaar kale oo aad u badan.

Sanadkii 1972dii ayuu George markii ugu horeysay u saftay koox heerka 1aad ah (SeriaA). Isagoo u cayaaray kooxda Badda. Kooxda Badda markii uu George ku biirayay waxaa tababare u ahaa Xasan Ganey oo muddo. Hase yeshee muddo yar ka dib waxaa tababare kooxda u nqoday Macallin Cumar Maxamed cali (Cumar Canjeeste).

Isala sannadkii 1972dii ayuu George nasiib u yeeshay in uu waddanka dibadiisa ciyaar u aadayo , iyadoo ay qaateen naadigii Horseed oo markaas u socotay magaalada Lusaka ee dalka Zambiya.

Dadkii aadka ugu dhiirigeliyay George in uu da’daalkiisa sii wado ayaa waxaa ka mid aha goolheyahii kooxda Horseed iyo xulka qaranka Jeylaani Khafliif (BaabaJeey) iyo weliba Macalin u dhashay dalka Jarmalka lana oran jiray (Grammar) oo in muddo ah tababar siiyay George, una sheegay in uu noqon doono goolhaye mustaqbal leh.

Jeylaani Khaliif oo ahaa goolhayihii 1aad ee xulka qaranka ayaa ka fariisatay cayaaraha kadib markii uuu dhaawac jab ah ka soo gaaray lugta.

Haddaba waxaa tartan weyn u galay in ay buuxiyeen jagadii Jelyaani Khaliif uu ka tagay dhowr goolhaye oo aan kala liidan kuwaasi oo ay ka midka ahayeen Sacad Cumar, Axmed Sawaaxili, George, Biyooley, Xayir iyo Mustaf . Goolhaye George ayaana nasiib u yeeshay in uu buuxiyo booskii Jeylaani Khaliif.

Sannadkii 1980dii ayuu George kala qeybgalay kooxdiisa hanashada horyaalka Soomaaliya Haddana sannadkii 1985dii ayay ku guulesteen koobka Jen. Daa’uud.

Sanadkii 1982-kii ayuu George dalka Masar u raacay kooxdii LLPP Jeenyo. Halkaasi ayuu wacdarro ka soo dhigay. Inkastoo kooxda Jeenyo looga soo adkaadaty 1-0. Haddana George kooxdiisa wuxuu ka badbaadiyay dhowr gool. Isagoo weilba qabtay rigoore (Penalty) loo dhigay kooxda Masar.

Haddaba dhamaadkii ciyaarta ayaa dhowr kooxood oo Masaari ah ay ka codsadeen in uu heshiis la galo. Kooxahaasi codsiga u soo gudbiyay waxaa ka mid ahaa:Al-Zamaalik, Al-Muqaawiluun Al-carab iyo Ismaaciiliya. Laakiin nasiib darro kooxda Jeenyo wax hashiis ah lama geli Karin kooxahan. Waayo isagu wuxuu ka tirsanaa naadiga Badda.

George markii uu ku soo laabtay Soomaaliya ayaa kooxda Ismaaciiliya, ee reer Masar ay u soo direeen Ticket iyo Viso . Nasiib darro se waxa fursaddan qaaliga ah ka Mire Awaare Jaamac iyo Faarax Weheliye caddow (Sindako) oo waagaas kala ahaa wasiirka shaqada iyo Isboortiga iyo guddoomiyaha xiriirka K/Cagta.

In muddo yar kadib haddan waxaa sidoo kale George soo codsadeen Al-Mariiq oo Sudaan ah iyo Al-Ahli ee dalka Imaaraadka. Haddana sidoo kale ayaa furasaddan loogu diiyay in uu ka faa’iideesto. Isagoo weliba George ballan qaaday in uu diyaar u noqon doono xulka qaranka Soomaaliyeed mar allaala markii ay u baahdaan.
Arrintan ayaa George niyad jaba weyn ku dhalisay da’daalkiisa ku aadanaa dhanka cayaaraha.

Intii uu ciyaaraha ku jiray George wuxuu dhibsan jiray ama qalqal gelin jiray cayaartooyda ay ka midka yihiin: Siciid Ducaale oo aad u qiyaano badnaa, Shiikhaalow,Nuur Gaab, Axmed saqiir, Bin Shaakir, Mukhtaar Cuti,Ganjab, Kuluu, Maxamed Ismaaciil, Shaarkey, Cafiifa, Feysal Tabeeba iyo Baaxeet.

Dhanka kale cayaartooydii uu aadka u jeclaa in ay garbihiisa buuxiyaan waxaa ka mid aha dhaliyaradii Shanta Ma Shiixde loo yiqiin oo ka koobnaa Diini, Abayle, Cali Sheekh, Jamaal, Abuukar Weyne iyo George.

Dhanka xulka Scott(Iskood), Ibraahi Shaash, Shariif Xamza, Xuseen Gibiley, Baazi, Sheekhaalow, Maxamed Ismaacill, C/llaahi Cabdi Khaliif (Riiko), Muqtaar Cuti, Eenoow, Muxuddiin Cambar Khamiis iyo Senegal.

Dalalka uu George ku soo cayaaray waxaa ka mid ah Keenya oo 5 jeer ah, Ugandha oo 4 jeer ah, Zanzibaar oo 4 jeer ah, Malawi oo 2 jeer ah, Zambia oo 3 jeer ah, Tanzania oo 2 jeer ah, Morooko oo 1 jeer ah, Masar oo 6 jeer ah, Sudan oo 4 jeer ah, Burundi oo 3 jeer ah, Rwanda oo 2 jeer ah, Niger oo 1 jeer ah, Cadan oo 2 jeer ah, Sacuudiga oo 4 jeer ah, Ascoli oo Talyaaniga ah 1 Mar, Shiinaha 1 jeer, Ciraaq 1 jeer, Liibiya 1 jeer, Madagascar 1 jeer, Sychellis 1 jeer iyo qaar kale.

Haddeer George wuxuu ku nool yahay magaalada Jowhar wuxuuna weli ku dhexjiraa cayaaraha isagoo tababare u ah koox la yiraahdo COLAAD TEAM.

 

W/Q Mohamed Busuri
mbusuri@sosca.ca