Kulan ay si weyn u wada su gayen dadweynaha ku nool magaladda muqdisho ayaa galabta waxa uu dhexmaray kooxaha Horseed iyo Banaadir S.Club, ciyaarta ayaa waxa ay ka dhacday garoonka banaadir Labada naadi ayaa midi guul gaarta waxa ay xaqiijineysay finalka Koobka Jeneral daa’uud ee 2015, daqiiqadii 14-aad waxaa goolka hore dhaliyay Marcel Obhiambo Samson kaddib kubadd uu ka helay Mustapha Maxwel. Horseed, ayaa lagu hoggaamiyay 1-0 qeybtii hore ee kulanka, Qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa horseed baadigoob waxa ay u gashay goolka barbaraha waxana ka shaqeeyay Atiga Issa, iyadoo uu shaqaba ku hubsaday Cadaani Barre Ciise natiijada ayaa sidaasi waxa ay ku noqotay 1-1. Horseed ayaa halkeeda waxa ay ka sii wadatay bandhiga goolasha, iyadoo ay la wareegtay hoggaanka kulanka waxana goolka dhamaadka ciyaarta dhaliyay kabtanka kooxda horseed Fu’aad Axmed Nuur, ciyaarta ayaa xilligii loogu talagalay waxa ay kusoo dhamaatay 2-1 oo ay guul ku gaartay Cawa iyo Maalin. Bari galab ayaa waxaa garoonka banaadir ku balansan kooxaha Heegan iyo Jeenyo United oo ka mid ah ka qeyb galaya tartanka Jeneral daa’uud ee 2015,waxaana tii soo badisa ay foodda is dari doonaan maalinta isniinta naadiga horseed. By: Omar Ibrahim Abdisalam
|
Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line
|