• Inter Oo Hanatay Horyaalkeedi 17aad

 

Kooxda Inter ayaa ku guuleysatay horyaalka Talyaaniga (Serie A) 2008/08.
Horyaalkan ayaa ah kii 17aad ee ay kooxdan ku guuleysato, iyadoo weliba affartii sanno
ee la soo dhaafay si xiriir ah ugu wada guuleysatay.

Kooxdan oo iyadu aruursatay 81 dhibcood ayaa u suuragashay iney ku guuleysato horyaalka Talyaaniga oo weli ay ka harsan yihiin labo kullan..
Milan oo ku jirta kaalinta 2aad ayaa ilaa iyo imminka leh 71 dhibcood. Haddii ay ku wada guuleysato
labada kullan ee harsanna waxay ugu badanaan gaari kartaa 77 dhibcood, tasoo ka dhigeysa in Inter aan la gaari garin.

Kooxda Udinese ayaa Inter u sii fududeeysay hanashada horyaalkan kadib markii ay Milan 2-1 kaga taqalustay Sabtidi

Haddaba Inter ciyaartii ay la yeelatay Siena Axadda ay iyadu isku ahayd iska bashaaal kol haddii horyaaka xabadda ku dhegsatay iyadoo aanba soo gelin garoonka.

Dad badan ayaa qabay in ciyaartan Inter ay soo safi doonto ciyaartoodii kaydka ahaa, hase yeshee tababare Murinho ayaa la soo shir tagay ciyaartooydiisi kuwii ugu wanaagsanaa, isagoo go'aansaday in ciyaaraha u harsan oo dhan uu guul kala hooydo.

Ciyaartan ay yesheen Inter iyo Siena ayaa waxaa 3-0 ku guuleystay Inter sidaana si diiran garoonkeeda San Siro ay ugu damashaaday horyaalka Talyaaniga Seire A ee 2008/2009.

Halkan Ka Daawo Ciyaarta Udinese 2-1 Milan

 

 

 

W/D: Mohamed Busuri
mbusuri@xidd igaha.ca
Toronto, Canada


 


 

 

Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line