Maalmahan magaalada London waxaa ka socday cayaarihii olombikada, London 2012. Waddanka Somaliya waxaa uga qayb galay wafdi ballaaran oo isugu jiray macallamiin, madax, ciyaartoy iyo dhaqtar.
Hadalada suuqa ayaa maalmahan waxaa ku jiray, in la hadal hayey dhalinyarada iyo wafdiga qaar wey is dhiibeen, isma dhiibin, wey isdhiibi rabaan, maxay calanka u qaadeen haddii ay is dhiibayaan, iyo wax la mid ah. Maqaalkan waxaan u soo qaatay in aan la marin hababinin dhalintan hadda joogta waddan nabadgelyo ah, magan gelyo bixin kara.
Waxaan jeclaan lahaa in aan raali gelin iska sii hor mariyo haddii hadallo khalddan aan soo qoro iyo in aan qof gaar ah ula dan lahayn.
Dhalinyaradan haddii ay is dhiibayaan iyo haddii kale iyaga ayey ku xiran tahay. Midda kale waxaan akhristow kuu sheegayaa, kaba dhig in ay is dhiibeen, ma ii sheegi kartaa imisa ayaa barnaamij ciyaareed ku soo baxay oo haddana is dhiibay maantana waddankooda wax u qabta, madaxna ka ah.
Haddaan ku xasuusiyo akhristow ka dib markii ay dhaceen dagaaladii sokeeye, waxaa is dhiibay xiriiro fara badan oo ku soo safray wafdi ahaan, ciyaartoy ahaan, IWM. Waxaan jeclaan lahaa in aan halkan ku soo kobo inta is dhiibtay.
Ma doonayo in aan soo qaato magacyadooda, anigoo xaq dhawraya, ogolaanshahooda, sharaftooda, magacooda iyodadnimadooda.
Is dhiibitaankanu wuxuu soo socday muddo 18 sanno ah, wuxuna soo bilowday 1994tii.
1994tii xiriirka kubadda cagta waxaa is dhiibay hal qof, world cup USA.
1995tii xiriirka cayaaraha fudud waxaa is dhiibay labo qof, Sweden,Gotenburg.
1995/96 xiriirka tenniska dheer waxaa is dhiibay labo qof, Irland.
1996dii xiriirka cayaaraha fudud waxaa is dhiibay, afar qof, cayaarihii olompikada Atlanta.
1998dii xiriirka kubadda cagta waxaa is dhiibay hal qof, world France.
2000 xiriirka kubadda cagta waxaa is dhiibay labo qof, Women Worl cup-USA.
2002dii xiriirka kubadda miiska waxaa is dhiibay shan qof, world cup table Tennis, France.
2002dii xiriirka kubadda cagta waxaa isdhiibay labo qof, world cup-Germany.
Taariikhda lama oga, xiriirka kubadda laliska waxaa is diibay afar qof, Finland.
2005tii xiriirka chessta ama shataranjiga waxaa is dhiibay 15 qof- Slovenia.
Taariikhda lama hubo, xiriirka cayaaraha fudud waxaa is dhiibay labo qof- Sweden.
WHO IS NEXT– WHO IS NEXT– WHO IS NEXT– WHO IS NEXT.
YAA KU XIGA—YAA KU XIGA— YAA KU XIGA—YAA KU XIGA.
Akhristow haddii intaan kor ku xusan oo wada sport ah ay is dhiibeen, inta badanna ay hadda hawllo la taaban kara waddanka u haya, maxaan ugu diidaynaa dhalinyaradan manta timid. Anigu ra’yi ahaa waxaan dhihi lahaa:
Yaan jar laga tuurin ee ha la caawiyo.
Yaan la marin habaabin e’ ha la caawiyo.
Yaan la waaline ha la caawiyo
Maanteey kuu baahan yihiin e’ ha la caawiyo.
Rabitaankooda iyagaa xor u ahe ha la caawiyo.
Maskaxda yaan laga daalinine ha la caawiyo
Dhul dheer bay ka yimaadeen e’ hala caawiyo.
Ehel iyo walaal bay ka soo tageene ha la caawiyo.
Haddii ay is dhiibaan ma dembi bay galeen, akhristoow.
Waxaa diyaariyey: Abdulkadir Caddaay.BAS
|
Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line
|
|