Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun

 

Allaha u naxariisto waxaa Magaalada London ee cariga dalka Britian ku geeriyooday AUN. Cabdulqaadir Xuseen Bootaan "Isoo-mareey" oo ahaa Odey Isboorti oo in ka badan 60-sano kusoo dhex jirey Isboortiga Soomaaliya.

Allaha u naxriistee Marxuumka ayaa muddooyinkaan ku xanuunsanayay Isbitaal ku yaala Magaalada London, isagoona ugu danbeyn saakay 6:00 subaxnimo ku geeriyooday Isbotaal ku yaala West London, sida uu Warbaahinta u xaqiijiyay Yuusuf Maxamed Cabdi (Yuusuf Yuusuf) oo ah Qoraa Isboorti kuna sugan London oo xaalada Marxuumka la socday.

AUN. Cabdulqaadir Xuseen Bootaan "Isoo-mareey" waxa uu ahaa Odey Isboorti, waxa uu ahaa shaqsi af gaaban oo diinta ku fiicnaa , Soomaali wadani ah, inka badan 60 sano isboortiga ku soo jirey, waxa uu soo maray heer ciyaartooy , sawir qaade, maamul, ilaa uu noqdo agaasimaha hotelka stadium Muqdisho, waxa uuna markii ugu danbeysay ahaa wakiilka Guddiga Olombikada Soomaaliyeed (GOS) ee dalka Italia.

Allaha u naxriistee waxaa bahda Isboortiga Soomaaliyeed ka baxay shaqi lagu tilmaami karo Taariikh-yahan Isboorti Soomaaliyeed, maadaama uu ahaa shaqsi taariikhda isboortiga Soomaaliya la socday min biloow ilaa dhamaad.!

Dhamaan Madaxda Isboortiga Soomaaliyeed, Cayaartoydii hore iyo inta ku abtirsada Bahda isboortiga Soomaaliyeed, waxa ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan Qoyskii iyo Ehelkii uu ka geeriyooday Marxuum AUN. C/qaadir Xuseen Bootaan "Isoo-mareey" iyagoona Marxuumka ugu baryayo in jannadii Fardowso eebe ka waraabiyo Ehelkii uu ka baxayna Samir iyo iimaan allaha ka siiyo. AAMIIN AAMIIN AAMIIN.

Innaa lillaah wa innaa illeehi raajicuun..