• Alfannaan Cabdulqaadir Jubba oo lagu soo dhaweeyay Minnesota

Bahda isboortiga iyo jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan Minnesota ayaa si kal iyo laab ah ugu soo dhaweeyay gobolka Minnesota Fannaanka caanka ah ee Soomaaliyeed Al fannaan Cabdulqaadir Cumar Macallin Jubba oo isagu toddobaadkii la soo dhaafay ku sugnaa gobolka Minnesota , waxaana uu si gaar ah kulan ballaaran ula qaatay bahda isboortiga ee gobolka Minnesota.


Casho sharaf lagu soo dhaweynayay fannaanka ayaa lagu qabtay makhaayadda bilicdasan ee Marxaba Restaurant , waxaana ka soo qaybgalay guddoomiyaha isboortiga ee gobolka MinndesotaCabdi Cali Macallin , macallimiin iyo cayaartooydii hore ee barisamaadka.


Ugu horreyntii waxaa halkaasi erayo soo dhaweyn ah ka soo jeediyay Macallimiinta kala ah Axmed Daahir Axmed, Idiris Suleiman iyo C/qaadir Shiikha. ......Axmed Daahir Axmed ayaa isagu si qoto dheer uga sheekeeyay taariikhdii fannaanka oo ay meel ku soo wada koreen. ma ahayn oo kaliya fannaan ee waxaa uu ka tirsanaa dhallinyaradii xaafadda ee sida aadka ah loogu dambeeyay cayaarta kubadda cagta ,hase yeeshee C/qaadir uu ka jeclaystay dhanka fanka,waxaana uu si gaar ah uga mahadceliyay taageeradii uu u fidiyay bahda K/koleyga gaar ahaan cayaarihii All African Games ee lagu qabtay waddanka Tanzania....sidoo kale macallin Idiris ayaa fannaanka ku sifeeyay inuu ka mid ahaa fannaaniintii Soomaaliya sida aadka loogu jeclaa, waana shakhsi aad u furfuran ,u sheeko badan, aadna ay u wanaagsan tahay xusuustiisa.
Guddoomiyaha Isboortiga ee gobolka Minnesota oo isaguna xafladda ka hadlay ayaa ugu horreyn ku soo dhaweeyay fannaanka gobolka Minnesota iyo bahda isboortiga , waxaana uu sheegay in isboortiga iyo fanka ay had iyo goor ahaayeen lammaano aan kala maarmin, labaduna ay ku tallaabsadeen horumar aad u ballaarnaa xilligii barisamaadka,dabcan fannaankan caawa aan soo dhawaynaynana uu ka mid ahaa dhallinyaradii ku soo barbaartay UBixii Kacaanka ee la oran jiray "UKO", markii dambena uu noqday shakhsi aad looga daba dhacay heesihiisa oo gaaray heerkii ugu sarreeyay ee fannaan uu gaaro, waxaana uu ka mid noqday hoboladii qaranka ee waabari.
Al fannaan C/qaadir Cumar Macallin "Jubba" oo isaguna halkaasi erayo aad u xamaasad badnaa ka soo jeediayay ayaa ugu horreyntii jaaliyadda soomaalida ee gobolka Minnesota iyo tan bahda Isboortigaba u mahadceliyay ..fannaanku waxaa uu si qoto dheer uga sheekeeyay taariikho faro badan oo uu fanka ka soo maray iyo guulihii uu isboortiga Soomaaliyeed ku tallaabsaday... horumarka iyo guusha intuba waxaa ay ku jiraan in dadku ay wax wada qabsadaan, la iskana ilaaliyo tafaraaruqa, sidaa darteedna waxaan idinkula dardaarmayaa dhawr arrimood oo muhiim ah oo ay ka mid yihiin inaad midowdaan oo wax wada qabsataan iyo inaad u gargaartaan kiina dhibaataysan, waxaana uu fannaanku tusaale wacan u soo qaatay ciyaartooy badan oo iyagu ku dhibaataysan dalka gudihiisa iyo dibaddiisabauna baahan gacan qabasho.
Ugu dambayntii fannaanku waxaa uu ka dhawaajiyay inuu mar kastaba diyaar u yahay wixii karaankiisa ah inuu caawiyo oo wax la qabto kuwa had iyo jeer doonaya inay horumariyaan fanka iyo isboortiga.

By:Shiikha

 

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line