• HORYAALKA KUBADDA CAGTA HEERKA 2aad "Serie B" EE GOBOLKA JUBADDA HOOSE - KISMAYU

Waxaa ku soo gabagaboobay garoonka weyn ee Waamo Stadium ee magaaladda Kismayu maalinimaddii khamiista ee ay taariikhdu ahayd 3dii October, 2013 ciyaartii FINAL ka ee kooxaha heerka 2aad oo ay iskaga horyimaadeen labadda koox ee KANEVA iyo XIDDIGAHA oo runtii soo bandhigay ciyaar aad u heer sareysa oo wakhtigeedii caadiga ahaa ku soo gabagabowday 1 – 1. Ciyaartan oo ay kasoo qayb galeen dadweyne aad u tiri badan oo kor u dhaafay dhowr kun ayaa waxaa labadda koox loo dhigay RIGOORAYAAL waxayna guushu 5 – 4 ku raacday kooxda XIDDIGAHA oo intii ay ciyaarahan socdeen aan marna dhinacooda dhulka la dhigin. Hambalyo, labaddan koox ayaa u gudbay heerka kowaad (Serie A).


Waxaa sidoo kale la sugayaa in la soo gabagabeeyo ciyaarta FINAL ka ee kooxaha heerka 1aad (Serie A) oo ay isugu soo hareen labadda kooxood ee kala ah ISKUFILAN iyo KISIMA oo dhowr jeer ay ciyaartoodu u baaqatay roobab mahiigaan ah oo biyo badan fariisiyey garoonka.

Haddaba waxaa xusid mudan in garoonka Waamo uu u baahan yahay dayactir badan oo xaga dhismaha iyo garoonka laftigiisa ah runtiina ay ka muuqato burbur baahsan iyo dhismo badan oo soo cariiriyey. Waxaa xusid mudan maamulka ciyaaraha gobolka, kan degmadda, iyo garsoorayaasha oo muujiyey dadaal iyo dulqaad badan.

Waxaan sinaba lagu hilmaameyn taageeradda joogtadda ah ee xag dhaqaale iyo talo ee ay habeen iyo maalin la garabtaagan yihiin Guddiga Qurba-joogta Sports ka Gobolka Jubadda Hoose iyo Dhakhtarka Isbitaalka oo ah xiriiriyaha labadda dhinac waa Dr. Abdisamad Abicar Hagi.

Tifatiraha website ka www.xiddigaha.ca Mr. Mohamed Busuri ayaa aad ugu faraxsan horyaalka heerka labaad ee ay ku guuleysteen kooxda XIDDIGAHA ee ka dhisan magaaladda Kismayu wuxuuna leeyahay dadaalkiina halkaas ka sii wada. “Waari meyside war hakaa haro.”

Waxaa diyaariyey:
Mohamed Deeq Abdiwahab
Xiddigaha/Kismayu

 



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line