Tartankii Kubadda
cagta ee xaafadaha degmada Kismaayo ee KISMAYO CUP ayaa soo gaaray heerkii
kama danbeysta ahayd ee Final,markii labadii maalmood ee laso dhaafey
la ciyaarey kulamadii nus dhamaadka ee semi final.
Tartanka oo ka socnaya garoonka ugu weeyn gobolka j/hoose ee WAAMO STADIUM
oo dayactir lagu sameeyey,ayaa waxaa agaasimey Maamulka Sportiga ee J/hoose,oo
gacan ka helaya guddiga Olympicada qaranka oo halkaasi gaarsiiyey qalabkii
Koobabkii iyo kubaddihii lagu ciyaari lahaa.
Kulamadii semi finalka ee koobaad ayaa waxaa yeeshay kooxaha Farjano iyo
Guul wade,ciyaartaasi oo daawashadeeda kasoo qeybgaleen Madaxda maamulka
KMG ee Jubba oo kamid ahaa Madaxweyne xigeenka 2aad C/qaadir Lugadheere,wasiiro
katirsan maamulka,Madaxda GOS iyo ciyaartoydii qurbajoogta ee J/hoose,waxaana
ciyaartaa 3-1 guushu ku raacdey Kooxda GUUL WADE,sidoo kale ciyaartii
labaad ee semi finalka ayey galabta dhexmartey kooxaha FAANOOLLE IYO CALANLEEY
kulankaa oo ahaa kii ugu adkaa ee la ciyaaro tan iyo markii tartanku bilowdey
.
Wejigii koobaad ee ciyaarta ayaa waxaa gool helay kooxda FAANOOLE iyadoo
ka faa’ideysaneysa qalad ay sameeyeen daafacyada kooxda CALANLEEY ka kadibna
ciyaaryahanka lambarka sagaalaad ee CALANLEEY oo lagu naaneyso Suuxaaye
shabaqa cusjiyey,taasi oo keentey in loogu dhameeyo kooxdii kasoo horjeeday
xitaa qeybtii danbe ee ciyaarta,sidaasina FANOOLE IYO GUUL WADE u tartami
doonaan kooxdii Koobka hanan lahayd iyo ciyaarta Finalka ah.
C/Xafiid Zaciimka
NOCSOM Media
|
Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line
|
|