• Horumarka Garoonka Wamo iyo Isbitaalka Kismayu

Waxaa soo gabagaboobay safar hawleed la xiriirey dhismaha garoonka Kubadda Cagta Wamo iyo Isbitaalka Guud ee Kismayu oo isaga qalab qiimo badan la geeyey. Eng. Abdisamed Sheik-Qasim oo ah Guddoomiyaha Qurba-joogta Sports ka Gobolka Jubadda Hoose ayaa safar bil ah ku tagay magaaladda Kismayu si uu ugu kuur galo hawlhii ay bud-dhigaha u ahaayeen bahda Sports ka ee J/Hoose.

Hay'adda samafalka ee RSDARG ee uu madax ka yahay Eng. Abdiqani Hussein Haji Hirad ayaa iyadu lahayd inay qalabka isbitaalka dalbato. Abdiqani wuxuu ku dhashay tuuladda Lehelay oo caan ku ahayd xanaanadda xoolaha wuxuuna waxbarashaddiisa aasaasiga ah ku soo dhamaystay magaaladda Kismayu, waxbarashada heer jaamacadeedna wuxuu ku qaatay dalka Mareykanka wuxuuna ka mid yahay ciyaartooyda cuslaatay ee Washington Stars wuxuu sidoo kale ka mid yahay guddiga qurba-joogta Sports ka J/Hoose.

Qalabkan oo lagu qiimeyey $300,000 - $350,000 ayaa waxaa isla kaashaday meelmarintiisa Eng, Abdiqani Hirad, Eng. Abdisamed Sheik-Qasim, iyo Dr. Abdisamed Abicar Hagi. Olole dheer oo ay qaadeen bahda Sports ka iyaga oo la kaashanaya dadka jecel wanaaga iyo horumarka Soomaaliya iyo gaar ahaan Jubaland State ayaa waxaa u suurta gashay in la aruuriyo lacagihii lagu geyn lahaa Kismayu oo lagu qiyaasay $26,800. Waxaa xusid mudan Abdixaq, Mohamud Yare, Tufah Sayid, Ahmed Shale, Naciimo Garlogube, Abdi Bashir, Dahir Sabtow, Adan Baqow, Mohamed Asale, Shacni, Abdirahim Shino, Maryan Yarey, Xassan Colow, iyo dad kale oo aad u tiro badan. In ka badan 100 caruur ah ayaa ku dhalatay sariir dhalmadda ee loogu deeqay isbitaalka waxaana mar dhow bilaabanayaa deeqda dhiiga oo ay horseedi doonaan ciyaartooyda degmadda Kismayu.

Garoonka Wamo Stadium ayaa gabagabo ah waxaana la rajaynayaa in lagu qabto tartanka ciyaaraha degmooyinka Gobolka J/Hoose oo kala ah: Kismayu, Afmadu. Badhadhe, Jamame, iyo Xagar. Waxaa la qorsheynayaa inuu ka soo qaybgalo daahfurka garoonka Macalinkii weynaa ee G/J/Hoose Abdulqadir Qariidi iyo waliba Yusuf Ali Bade (Yusuf Yare) iyo waliba ciyaartooy badan oo gobolka magac ku leh sida Abdixaq, Mohamud Yare, Rike, Jabroos, iyo kuwo kale oo badan.

Waxaa Diyaariyey:
M D Abdiwahab

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line