• Soomaaliya oo ka qeyb gashay Shirwaynaha xiriirka kubadad Kolayga Jaamacdda Carabta

Guddoomiyaha Xiriirka Soonmaaliyeed ee kubadda Kolayga Cabdullaahi Nuur Maxamed Cadaani ayaa  ka qayb galay shirwaynaha xiriika kubadda Kolayga  ee wadamda Jaamacadda Carabta oo ka dhacay dalka  isutaga Imaaraadka Carabta ( UAE )

Shirkaan oo ahaa  shir aan caadi ahayn waxaa lagu doortay guddoomiye cusub kadib markii gudoomiyihii hore  Badri Bin Dalaala Alsacuud oo ka soo jeeday Dalka Sacuudi  Carabia uu iska dhigay xilka isaga oo xilkaas hayay in ka badan 10 sano waxaana xilka gudoomiyaha loo doortay  Imaciil Abdallla Algargaawi oo u dhashay Dalka Imaaraadka Carabta UAE, sidoo kale  waxaan Shirwanaha lagu  magaacabay 4 gudoomiye ku xigeen  oo kala ah

1-Abdirahman Masci  Sacuudi Carabia  2aad-Abdirauuf  Bin Daalib Marocco

3-aad Magdi abuu Fariq Egypt (Masar) 4-aad Abdisatar al hadaani Yeman

Halka Xoghayaha uu guud uu ku noqsaday Hanafi Abu Daalib oo dalka Masara u dhashay  ah.

Guddoomiye Cadaani ayaa intii uu  shirka socda kulamo la qaatay  madxada xiriirada Marocco,Tunisia ,Oman,Qatar,Kuwayt ,Sacuudi Arabia iyo dalka martida loo ahaa ee  UAE  waxuuna guddoomiyaha sheegay in dhamaana ay  balan qaadeen in  ay gacan ka gaysan doonaan horumarinta kubadda kolayga Soomaliya.

 Guddoomiye Cadaani  ayaa dhanka kale uu la kulanay  guddoomiyaha  xiriirka kubadda kolayga ee dal Turkiga  Harun Erdenay oo dalak UAE ,u yimid daawashada ciyaaraha Naadiyada Jaamacada Carabta waxaana  ballan qaaday in ay  Xiriirkiisu uu wax ka qaban doonaan dib u dhiska   Garoonka kubaddda kolayga ee dalka Soomaaliya , waxaa kale oo guddomiye Cadaani halkaasuu  kul kulmay Abdullah Sagaer Sports Academy oo isna guddoomiyaha  isla af garteen in uu dalka yimaaddo kadibna qiimeeyo sidii looga furi lahaa Academyadlagu horumarinayo dalka kubadda Kolayga Soomaaliya.

Guddoomiye Cadaani ayaa ugu dambayn sheegay in dhamaan kulamdii ay la yeesheen masuuliyiintii kal gedisanaa ay guulo ku dhamaadeen.

 W/D: Xuseen Maxamed  Hadaafow

Email: hadaafoow7@gmail.com



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line