Waxaa Gobolka
J/Hoose soo gaaray kubado loogu tala galay caruurta oo uu siday Da’uud
Shire oo ah madaxa horumarinta Sports ka Gobolka Banadir. Kubaddahan oo
tiro ahaan dhammaa 100 xabo ayaa waxaa 50 ka mid ah la siiyay 5 ta degmo
ee Gobolka J/Hoose uu ka kooban yahay, kuwaas oo kala ah Kismayu, Jamame,
Afmadow, Badhadhe, iyo Xagar.
Kubadahan ayaa waxay u samaysan yihiin qaabka buglaha ay caruurtu ku cayaaraan
waxaana hadiyad ahaan usoo dhiibay Duqa Gobolka Banadir Mudane Tarsan
oo runtii aad u fahamsan waxtarka uu Sports ku u leeyahay bulshadda.
Haddaba Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Ee Gobolka Jubadda Hoose Burhan
Kukuyo, Guddoomiyaha Guddiga Qurba-joogta Sports ka G/J/Hoose Eng. Cabdisamed
Sheik Qasim, Suldanka Sports G/J/Hoose Sanjo, Abdalla Shino, Bishaar Kata
iyo Cabdirahman Sharif oo ah macalimiinta Grassroot ka ayaa waxay caruurtii
ku ciyaarayey badaha Calanley iyo Lido u qaybiyeen kubado maalintii Jimcaha
ee December 6, 2013.
Bahda Sports ka G/J/Hoose ayaa ku kubad shubay Suldanka Sports ka Sanjo
halkaas oo ay ka soo qayb galeen dhallinyaro iyo caruur tiro badan, xafladeedana
waxay dhacday December 26, 2013 oo ahayd maalintii la doortay Guddoomiyaha
Xiriirka Kubadda Cagta G/J/Hoose.
Waxaa sidoo kale la rajaynayaa inay gaarsiiyaan kubadao iskuuladda magaaladda
Kismayu oo ay ardayda dhigataayi aad u xiiseynayaa kubadda cagta.
W/D M Deeq Abdiwahaab
Xiddigaha/ Kismayu
|
Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line
|
|