• Tartan Marathon Oo Lagu Qabtay Magaalada Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda dhalinyarada iyo isbortiga mudane Saleebaan Colaad Rooble ayaa markii ugu horeysay magaalada Muqdisho ku qabtey tartanka orada Degmooyinka Gobalka Banaadir.

Tartankaas waxaa ka soo qayb galay 16 Degmo ee ay ka kooban tahay magaalada Muqdisho, ujeedada loo qabtey ayaa waxay ahayd in dhalinyarada Soomaaliyeed dib loogu xusuusiyo halgankii Ururka dhalinyarada Soomaaliyeed ee SYL ka qaateen madax banaanida iyo qaranimada Soomaaliyeed u soo galeen.

Tartanka Maradoonka ayaa ka biloowday gurigii Shaqaalaha hortiisa oo ku yaal wadada Maka Al Mukarama isla markaana waxaa oradka ay ku soo gabagabeyeen garoonka Kubada Koleyga Luujino oo ku yaal Xaafada Muqdisho.

Tartanka oo aad u xiisa badnaa oo ayna ka soo qayb galeen dhalinyaro aad u da yar oo ka kala yimid dhamaan degmooyinka Gobalka Banaadir ka kooban yahay, ayaa waxa halkaas ka hadlay Wasiirka Isboortiga iyo Dhalinyarada dalka Soomaaliya mudane Saleebaan Colaad Rooble isla markaana ugu waramay dhalinyaradii ka qayb galaysay tartanka ujeedada tartankaas iyo sida loogu baahan yahay in dhalinyarada Soomaaliyeed uga qayb qaataan soo celinta Nabada iyo Amniga isla markaana loogu baahan yahay inay ka qayb qaataan Sports noocyadiisa kale duwan.

Tartankaan waxaa gacan ka gaystey in la qabto Guddiga Olambicada Soomaaliyeed iyo maamulka Gobolka Banaadir,waxaana waxaa qalabka cayaartoyda ka qayb gashay tartankaan ugu deeqan cayaaryahanadii hore Soomaaliya oo hada ku nool dalka Ingiriiska sida Shiine Guhaad C/qaadir Biriq iyo xubno kale .

Tartankaan ayaa ku soo gabagaboobay si guul ah isla markaana dadwaynaha ku nool magaalada Muqdisho ay si wanaagsan ugu sacaba tumayeen dhalinyrada ka qayb galaysa, iyagoo sacab iyo biyo qaboow ku salamayay si ay u dhiirigaliyaan da'yarta Muqdisho ku nool.

Wasiirka ayaa I sheegay in Nabada Muqdisho lagu soo celin karo in dhalinyarada Soomaaliyeed loo qabto barnaamijyadan oo kale si kala qayb sanaanta iyo kuwa dagaalada u adeegsanaya looga xoreyn lahaa, waxana u hadalkiisa sii raaciyay wasaarada Isboortiga waxay ka shaqaynaysaa in Isboortiga dalka lagu yaqiin sidii dib loogu soo celin lahaa isla markaana dadka Soomaaliyeedna waxaa looga fadhiyaa sidii gacan uga gaysan lahaayeen.

W/D: Yusuf Yusuf
Sports Editor of SSPAMEDIA
mrsomalia@hotmail.com
London


 


 

 

Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line