Marka laga
hadlo ciyaaraha kubadda cagta ayaa waxaa si gaar ah loogu xasuustaa gobolka
Jubadda Hoose ee ay magaalo madaxdiisu tahay Kismayu. Gobolkani wuxuu
soo saaray ciyaartooy tiro badan oo heerka kowaad iyo qarankaba aad loogaga
qadarin jiray wuxuu kaloo caan ku ahaa calankii cagaarnaa ee uu maroodiga
kubadda laadaya dhexda ugaga yaalay, waxaa u sii dheeraa inuu gobolo badan
baray halku dhegyo ay ka mid yihiin, “ Ciyaari waa galin dambe, waa inoo
sannadka dambe, san ka dhuudhi, waa sixiroolayaal, iwm”.
Liiskan hoose ee heerka kowaad Xamar ka ciyaaray ayaa haddaba beeninaya
sixir iyo wixii la halmaala:
Abdulqadir (Qariidi- Best Coach), Aweys Juungalo, Ahmed Saqir (AUN), Abdiaziz
Gulta, Cafiif, Binshakir, Shaash, Simba, Zaciimu, Abshir Shire (Bide),
Baazuweyd, Garaar, Ali Yare, Digri Haji, Jaahur, Cumar Cadami, Diini Nur,
Salad Shino, Abdalla Salimow, Ali Cubeyd (AUN), Khalif Da’uud, Abdinasir
Haji, Somaliyow, Khalif Rike, Cumar Gedo, Abdinur (Waxool), Omar Jilde,
Hassan Khadar, Abshir Xareed, Abdisamed, Ali Darbo (AUN), Ahmed Osman
Gedi, Abdi Ismail, Loolow, Aweys Kismayu (AUN). Wuxuu gobolku soo saaray
taageerayaal heer qaran ah oo ay ka mid yihiin: Jeesow, Moosow, Shabateey,
Mama Saciido, Franco, iyo kuwo badan oo kale.
Waxaan liiskan kuugu darayaa kuwa diiday inay Xamar u soo wareegaan sida:
Diili Mahadi Diili, Barkaan, Sanja, Abdulahi Big, Kuzungu, Saciid Galti,
Ciise Ruush, Mohamed Muse Jabroos, Abdi Xaq, Mahamadi, Cumari Faruur,
Mohamud Yare, Dumay (AUN), Abdiwahid Timo Faras, Cumari Kiyawe, Afcadey,
Murjan, Mohamed Sharif, Abdulahi Goon, Abdirahmen Sharif, Cabey Bidaar,
Kata, Abdi Gabow iyo kuwo badan oo aan halkan lagu soo koobi karin.
Haddaba sannadkan 2013 waxaa magaaladda Kismayu ka socday tartamo isdaba
joog ah oo loo dhigayey dhallinyaradda tiradda badan ee xiiseeya ciyaaraha
kubadda cagta. Waxaa kaloo jira tababaro sitimaanaddii ugu dambeeyey la
siinayey xulka ciyaartooyda Gobolka Jubadda Hoose oo ay hadda gacanta
ku hayaan Macalimiinta kala ah Sanjo, Abdi Gabow, iyo Abdi Xuurow. Waxaa
kaloo garab socda tababaridda dhallinyaro yar yar oo mustaqbalka 5 ta
sanno ee soo socota loogu talo galay oo ay gacanta ku hayaan Macalin Kata,
Abdirahman Sharif iyo ganacsade Carabey oo la garab taagan taageero dhaqaale
oo lagu horumarinayo caruurta mustaqbalka.
Maamulka Isbortiga heer degmo iyo mid gobolba ayaa har iyo habeen u taagan
sidii looga mira dhallin lahaa dadaaladda tiradda badan ee gobolka ka
socda: Waxaa arkaysaa guddoomiye Yahye oo gaaf wareegaya garoonka uu tababarku
ugaga socdo labadda gobol ee Jubadda Hoose iyo Dhexe, Jubadda Dhexe ayaa
waxa hadda laylinaya Mohamed Sulub iyo Adan Abdi Geedi. Xoghaye Timo-Jilic
ayaad arkaysaa sida uu ula dhcsan yahay hawsha ka socota garoonka, Guddoomiye
ku-xigeenka Adan Sanka ayaan kaftamaynin galab kastana garoonka ku soo
daadiya kubaddihii, CONES kii iyo biyo waxaana si fiican u agaasima Jamaal.
Guddoomiyaha
Sports ka Degmadda waa Biibaayee ayaanan meesha ka maqnayn mararka qaarkoodna
aadba isleedahay wuuba yaryahay ee muu gobolka u ciyaaro xirfaddii way
ku dambeysaaye. Macalin Sharif oo ahaa tababarihii Garowe gobolka geeyey
ayaan maalin qura ka maqnaanin laylinata ciyaartooyda. Waxaa isaga xusid
mudan guddoomiyihii hore Sports ka Abdulahi Big oo leh “ Ha daalina walaalayaal
ee geediga wadaay.” Duq Diili, Burhan, Aweys, iyo Xaaji ayaa guubaabo
joogto la garab taagan maamulka Sports. Horjoogaha garsoorayaasha Mr.
SLA iyo saaxiibadiisa kala ah Abdul, Maxadow, Maslax, Jamal, iyo laacibkii
hore ee Munishiibiyo Kismayu Aweys Eco ayaa ah madaalayaal khibrad sare
u leh garsoorka ciyaaraha KAFTANNA ma galaan ee ka carar RED CARD ka SLA.
Waxaan sinaba lagu hilmaami Karin Dr. Abdisamed Abicar Haji iyo Qurba-joogta
Sports ka Gobolka oo uu guddoomiyahoodu, Eng. Abdisamed Sheik-Qasim, Kismayu
u joogo hawlaha horumarinta Sports ka, Waxbarashadda, iyo Caafimaadka
oo ay qayb laxaad leh ka qaadanayaan jaaliyadda qurba-joogta ee gobolka.
Waxaan u mahadcelinaynaa tifatiraha website ka www.xiddigaha.com iyo journalka
Somali Canadian Times Mr. Mohamed Busuri.
M D Abdiwahab
Xiddigaha/Kismayu
|
Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line
|
|