(Barcelona) 07 May 2015-Jerome Boateng ayaa ah daafac si weyn looga danbeeyo qaaradda yurub,waxaana laga sameeyey goos goosyo fican guulihii waaweynaa ee uu gaaray iyo sidii quruxda badneyd ee uu kubadaha u difaaci jirey,laakiin wiilkan Ceebtii ugu xumeyd ayaa lagu dhigey markii xaley Nou Camp jooga uu kaga ridey Goysmo laacibka Barcelona iyo xulka Argentina Messi kadibna ka dhaliyey gool qurux badan.
Daafaca xulka Germanka ayaa lugta bidix dhag loogu siiyey inta garbaha loogu been guurey xili kubadda messi uu lasoo galay diilinta 18rd ee Bayer,waaana la arkey in Lionel Messi kubadii la dhaafay iyo Boateng oo Cirka ka yimid dhulkana sida qarihii ugu dhacay sida aad daawan doontaan Sawiroo Maad ah oo laga sameeyey.
Barcelona iyo Messi ayaa xaley 3-0 ku dhaafay Bayern Munich lugta koowaad ee Semi finalka Champions Leagu waxaaa 2 gool dhaliyey Lionell Messi oo qabtay hogaankii gool dhalinta tartanka iyo midkii taariikhda ee Ronaldo kaga sare maray 1 gool.
|
Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line
|