• MESSI IYO NEYMAR OO IS HELAY YAA CELIN KARA?!

Neymar ayaa qalinka ku duugay heshiis shan sanadood ah ee uu la galay kooxda haysata horyaalka dalka Spain ee Barcelona
Diyaarad nooca loo yaqaan Jet oo si gaar ah loo leeyahay (Privet) qimaheeduna yahay 60 Milyan Euro, ayaa lagu keenay Barcellona.
Neymar waxaa safarkiisa ku wehliyay qaar ka mid ah saaxibadiisa.
Markii uu caafimadkii maray kadib ayaa, sida uu sheegay Guddoomiye ku xigeenka kooxda Barcellona Josep MarĂ­a Bartomeu Neymar uu saxiixay heshiis shan sanno ah, oo qiimahiisu yahay 57 Milyan Euro.
Heshiiska ay wada galeen Barcellona iyo Neymar ayaa waxaa qeyb ka ah in kooxdii dooneysa iney heshiis la gasho ciyaartooygan isagoo aan weli u dhamaan heshiiska ni iney Barcellona ay xaq u leedahay in la siiyo 90 milyan Euro.
Neymar oo 21 jir ah ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu u ciyaar koox ay hore ugu ciyareen Ronaldinho iyo Romario.
Sidoo kale Neymar ayaa sheegay inuu Barcellona u yimid inuu caawiyo kooxda iyo weliba Messi si uu shan sanno oo kale ugu guuleysan lahaa ciyaartooyga sannadka.
Soo dhaweyntii ciyaartooygan oo lagu qabtay garoonka Barcellona ayaa waxaa ka soo qeybgalay taageereyaal lagu qiyaasay ilaa iyo 56 Kun oo teegeereyaal ah.
Neymar oo xulka dalkiisa u dhaliyey 20 gool 23 kulan oo uu u cayaaray ayaa aad ugu mahadceliyey taageerayaasha kooxda Santos uu la joogay muddo sagaal sanadood ah kuwaasoo uu la gaaray guulo badan.
Taageereyaasha Real Madrid oo colaadi dhanka sportiga ah ka dhaxeyso Barcellona ayaa arrintani dharbaaxo weyn ku noqtotay, iyagaa hamiga ka qabay in awoodda Barcellona ay sii liici doonto sida ka muuqatay dhamaadka horyaalka Spain iyo tartankii Champions Leagu.
Dad badan ayaa sidoo kale qabay in Barcellona ay ku xeran yihiin oo keliya Messi, haddase Neymar oo garbahiisa buuxin doona difaaca kooxaha kasoo horjeeda maxaa haysta!!

W/D Mohamed Busuri
 

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line