Olympics-London-July-11-2012-Akhyaartay qormadeena ciyaaraha waxynu manta ku jibaaxaynaa Xulka brazil iyo Mexico oo foodda isla galey markii ay final u soo wada baxeen kana tirsaneyd ciyaaraha Olympicada 2012 ee ka socda cariga Ingiriiska.
Ciyaatan oo ka dhacdey garoonka weyn ee Wembledon Stadium ayaa waxaa ka soo qeybgaley dadweyne kor u dhaafey 80,000 iyo dabcan taageerayaasha labada dhinac.
Haddaba ciyaartan oo runtii la wada sugayey ayaa qeybtii hore ku bilaabantey qabow caajis iyo dhayalsi badan oo ka muuqdey Brazil jawaabteediina noqotey in ciyaartu markay socotey 32-ilbidhiqsi oo kaliya in Brazil looga naxsadey gool qurux badan waxaana Mexico u saxeexay no-9-aad Perelata.
Qeybtii dambe ayey Brazil ciyaartii waxa ka bedeshey taas oo ay ku kaliftey Mexico iney difaac isku uruuriyaan,laakiin waxay soo bandhigeen ciyaar fiican xag adkeysi farsamo iyo difaac adag taas oo horseedey iney goolkii labaad dhashadaan waxaana madaxa si fiican ugu dhaliyey daqiiqaddii 74-aad isla Perela.
Laakiin goor ay ciyaartii dhamaatey laguana direy 3-dii daqiiqo ee dhawaca ayey Brazil gool daalaa dhaca dhalisey ciyaartuna waxay ku dhamaatey Mexico 2- Brazil 1
W/qorey Jahuur
xiddigaha.ca Ottawa
|
Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line
|
|