Kadib markii uu tababare Ancelotti oo hadda gacanta ku haya kooxda Milan uu heshiis hordhac ah la galay kooxda Chelsea ayaa Milan waxay ka fursan weyday inay yeelato tababare cusub. Guddoomiye Galliani ayaa sheegay inuu shaaca ka qaadi doono magaca tababaraha cusub ee kooxdan kadib ciyaarta ay Milan la yeelan doonto Roma Axadda soo socota. Ciyaartan ayaa kooxda Milan aad muhim ugu ah iyadoo haddii ay badiso si toos ah kaga mid noqon doonto kooxaha ka qeygalaya tartanka Championes League ee xilli ciyaareedka soo socda. Ilaa iyo imminka tababareyaasha u sharaxan xilkan ayaa waxaa ugu cad cada Van Basten, Tassotti, Leonardo, Filippo Galli iyo Allegri. Warar laga soo xigtay ilo aad ugu dhow kooxda ayaa sheegaya in Van Basten uu heesto fursad ka badan affarta tababare oo kale. Dhanka kale Kaka' ayaa isaga sheegay inuu jeclaan lahaa in tababare loo magacaabo Leonardo isagoo intaa raaciyay in Leonardo uu gaarsiin karo Milan heerka uu Guardiola gaarsiiyay Barcellona.
W/D Mohamed Busuri
|
Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line
|