• Napoli oo 3-0-Ku Qixisey Chelsea

     


San polo Stadium-Feb-21-2012-xiddigaha.com-Akyaartay qubanaheena ciyaaraha waxaynu u milicsaneynaa koobka horyaalka ee qaaradda yurub(UEFA) oo si habsami ah u socda.
Saaxiibayaal shaki kuma jiro koobkan oo aad looga qaddaryo qaaradda yurub iyo aduunkaba kuna loolamaan kooxaha waaweyn ee wadamada qaaradda yurub ayaa la isku jabsanayaa ia’arag hore iyo mid dambe.

Haddaba koobkan oo alaaba la ciyaaro toddobaadkiiba labo jeer siiba Talaadada iyo Arbacada, aynu soo qaadano tii oo maanta Talaado ahayd ee dhacdey waxaana fooda islagaley Napoli iyo Chelsea.

Ciyaartan oo ka dhacdeySan Polo Stadium ee Napoli ayaa waxaa ka soo qeybgaley dadweyne aa u tiro badan iyo dabcan labada taageerayaal ee waraabowga qaba oo ilaa ciyaartu markey bilaabantey ilaa dhamaadkii taagni qeylo iyo sawaxan ku dhameystey.

Akhyaartay aynu u soo noqono ciyaarta waxayna ku bilaabantey Chelsea oo garoonka la soo gashey dar-dar iyo hujuum badan rabteyna in aan looga hormarin wax goolal ah iney ku hormarto mooyaane, waxaana daqiiqaddii 27-aad Goolkii ugu horeyey u xaqiijiyey Chelsea (Mata).Laakiin Napoli oo ka faa’iideysaneysey gurigeeda iyo hawadeeda ayaa Chelsea hakisey daqiiqaddii 38-aad markii Gool aad u qurux badan uu dhaliyey( Lavezzi) kii labaadna waxaa u raaciyey daqiiqaddii (45+1-min-Cavani).

Qeybtii dambe ee ciyaarta markii la iskugu soo noqdey Chelsea dar-dartii lagu yaqaaney ma soo bandhigin taana waxaad ka garaneysaa qeybta dambe ee ay kaga jirto horyaalka Ingiriiska,Goolkii saddexaad ee niyadbka waxaa u raaciyey daqiiqaddii( 65-aad-Lavezzi) oo runtii ahaa xiddiggii garoonka ciyaartuna waxay ku soo gabagaboodey-Napoli-3-Chelsea-1.
W/D-Jaahuur-Ottawa
xiddigaha.com


 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line