Xaflad si weyn loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay magaalada Toronto ee dalka Canada. Ulajeedada xafladan aya ahayd in logu taageero magacaabista Farah Jama Nur (Farah Oday) oo xiriirka soomaliyeed ee kubadda koleyga u dhawaanahan u magacaabay ku-xigeenka kaaliyaha xoghayaha guud ee XSKK. Xafladan ayaa waxaa ereyo ka soo jeediyay qaar kamid ah bahweynt Sportiga ee reer Toronto kuwaasi oo aan ka xusi kareyno Macallim Tuke, Macallim Musse, Mohamed Farah (Debdamis), Macallim Bruno, Abdi Mohamed Cige (Abdi-Dheere), Yusuf Shaqaaq, Cantar Jeenyo, Mohamed Xaaji (Uurey), Cumara Ganjab, Cabdi Deputato iyo qaarkale oo aan la soo koobi kareyn. Dhamaan dadkii halkaasi ka hadlay ayaa waxay isku raceen in Farah Oday uu u qalmo xilkan loo magacaabay isagoo weliba leh aqoontii iyo kartidii uu ku gudan lahaa xilkan. Sidoo kale waxaa xafladan ka dhex muuqday Mukhtar Cuti, Oday Mursal, Cabdi Adan, Cabdirbi, Xinbil, Saadiq, Hussein Haji oo iyagu hogaaminayey uruka Today iyo Sosca oo sannadkan si wada jir ah u qab doona tartanka caanka ah ee Somali Week ee lagu qaban doono magaalada Toronto bisha June 30 ilaa iyo July 12,2009. Ugu dambeyntii Mudan Farah Oday ayaa isagana laba erey halkaasi ka soo jeediyay isagoo ugu horeyntii u mahadnoqay dhamaan dadkii sida weyn u soo qabanqaabiyay xafladan oo ay hogaaminayeen Ahmed Abukar (Ahmadey B) iyo Ganey. Sidoo kale Oday wuxuu u mahadceliyay dhamaan dadkii ka soo qeybgalay xafladan iyagoo u muujiyay sida ay hiil iyo hooba ula grab taagan yihiin. Taariikhda Ciyareed ee Farah Oday halkan Ka Eeg W/D Mohamed Busuri
|
Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line
|