• Macalin Shiikha Oo Tababar Ka Bilaabay Garoona Wiish‏

Cadbuqaadir Xaaji Shiikha oo dhawan dalka dib uu soo laabtay ayaa durba bilaabay talaabooyin hormarinta kubadda koleyga ah, ee uu horay ugu dhawaawaqay.


Macalimuu Shiikha ayaa tababar u bilaabay macalimiinta kooxaha kubadda koleyga laylisa
si uu ugu kordhiyo farsamada iyo sharciyada cusub ee kusoo kordhay dhanka macalimiinta

Sidoo kale tabaraykan waxaa qayb ka ah tababarayaal cusub oo doonaya in ay qaataan shahaadada macalinimo .


Sida uu horayba ugu dhawaaqay xiriirka Soomaayeed ee kubadda koleyga macallin Shiikha ayaa tababarka ku biirin doona 13ka kooxood ee u diiwangashan xiriirka Soomaaliyeed K/Koleyga

Tabarbakan ayaa uqayb sanaan doona laba qayb oo kala ah mid ay u qaadan doonaan qaab qoraal ah iyo mid ay ficil ahaan u daawan doonaan.


Madaamada aysan awood jirahaaneed u lahayn macalimiinta tababarka la siinayo waxana taa badalkeeda ka faa’iidaysan doona kooaxha kubadda koleyga.


Macalimuu shiikha oo an kula kulmay garoonka kubadda koleyga aadan Xaaji Yabarow
"Wiish Stadiom" aaya ii sheegay in uu garoonka wiish stadiom ku bixin doono tababarka sidoo kalena uu diyaar u yahay kooxdii garoon leh in uu garoonkeeda ugu tagi doono si uu tababar usiiyo, koox walibana uu ka dhisi doono wax kasta oo kusoo kordha kubadda koleyga


W/D Xuseen Maxamed Hadafow
Muqdisho, Somalia
hadaafoow7@gmail.com

 



Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line