Tartamadii cayaaraha ee loogu magac daray Somali /Ashland Sports Re-union ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Ashland ee gobolka Oregon maalinimadii ay taariikhdu ku beegnayd 25/05/2009. Cayaarahaasi iyaga ah ayaa aalaaba waxaa isugu yimaada ciyaaryahnnadii kubadda koleyga ,kubadda cagta,kubadda miiska, dabaasha ,Teeniska dheer, garsoorayaashii caalamiga ahaa ee dalkeena Soomaaliya, iyo qaar ka tirsanaa taageerayaasha Soomaaliyeed ee noocyada cayaaraha kala duwan. Waxaa iyaguna madashaasi aad u soo camira dhallinyarda kubadda cagta iyo koleyga ee gobolka Seattle oo iyagu cayaaro saaxiibtinimo la cayaara odayaashii hore si ay isugu tijaabiyaan awooddooda cayaareed iyo xirfadda ay u leeyihiin kubadda cagta iyo koleyga. Waxaa xusid gaar ah mudan in sannadkan barnaamijkaasi lagu casuumay oo uu ka soo qayb galay Mudane Cabdi Maxamed Ciye “Cabdi dheere” oo ka mid ah halgamayaashii isboortiga Soomaaliyeed marar badanna soo noqday tababarihii xulka qaranka Soomaaliyeed ee kubadda koleyga iyo naadigii wasaaradda hawlaha guud iyo guriyaynta “LL.PP”. Sidoo kale Waxaa madasha iyaguna sannad kastaa ad u soo camira waalidiin faro badan iyo caruurtooda oo iyaguna damaashaadka iyo farxadda isu imaatinka kala qayb gala cayaartooydii hore. Ciyaarahaasi ayaa waxay ahaayeen kuwo 7 dii sano ee aynu ka soo gudubnay lagu qabanayay magaalada Ashland,iyada oo markii ugu horaysay ay ku bilaabatay afar qofood oo ka yimid gobolka seattle kuwasi oo kala ahaa: C/risaaq Ugaas, Saciid Dheere, Xuseen Dheere iyo Najiib Ciise,haatanna ay noqotay hadal haynta ugu badan marka la gaaro xilligan isu imaatinka ah oo dad faro badani ay halkaasi isku ballansadaan. Haddaba sannadkan ayaad moodaa in ay halkaasi isugu yimaadeen odoyaashii, tababarayaashii iyo cayaaryahannadii ugu badnaa oo lagu qiyaasayay ilaa 65 qofood kuwaasi oo ka kala yimid gobolada Maraykanka iyo Canada Sida: Minnesota, Portland, Virginia, S eattle, WA, California/San-jose, Oakland/California, Vancouver,Toronto, Ottawa iyo Atlanta,Ga , waxaana halkaasi lagu tartamay cayaaro faro badan oo ay ka mid ahaayeen: kubadda cagta,Kubadda Koleyga, dabaasha, farda-fuulka, kubadda miiska, boojada iyo noocyo kale oo cayaareed oo aad u faro badnaa. Markii la soo gabagabeeyay tartamadii ciyaareed ee halkaasi ka socday ayaa xafladdii xiritaanka waxaa halkaasi Sheekooyin qosol ah ka soo jeediyay rag badan oo ka tirsanaa raggii madasha isugu yimid oo aan ka xusi karo: C/qaadir Jaango, Cabdi Xalwo,Abuukar Shiino, Isaaq dheere, Cismaan Xalane, Cismaan Guuleed iyo Karaama. waxaa iyaduna sannadkan barnaamijka aad u qurxiyay barnaamij faneed uu isku soo dubariday qoraagii isboortiga ee wargayska xiddigta oktoobar iyo fannaanii ka timid gobolka Seattle gaar ahaan fannaanka da’da yar ee lagu magacaabo Cabdisalaam Maxamed Axmed oo ahaa wiil uu dhalay Allaha u naxariistee fannaankii dabarlo oo ka mid ahaa fannaaniintii qaranka ee hoboladii waabari iyo fannaanka kale ee la yiraahdo Axmed Muuse Qaar oo lagu naanayso “Iftiinshe” oo iyaguna halkaasi ku soo bandhigay barnaamij madadaalo oo ay aad uga heleen dhammaanba dadkii halkaasi isugu yimid oo ay ku jireen jaaliyadda reer Ashland. Gabagabadii xafladda Waxaa halkaasi ka hadlay macallimiinta xulka qaranka Soomaaliyeed ee kubadda koleyga C/qaadir Xaaji Daahir ”Shiikha’iyo Axmed Dahir Axmed oo iyagu ka warbixiyay baahida loo qabo in la iska kaashado hawsha qaranka oo iyadu ah hawl uusan shaqsi gaar ah lahayn loona baahan yahay in muwaadin kastaa oo Soomaaliyeed uu ka qayb qaato horumarinta kubadda koleyga Soomaaliyeed iyo noocyada kale ee cayaaraha ee kala duwan intuba.Waxaa kale oo ay warbixin ka bixiyeen safarkii kooxda K/koleyga qurbajoogta ay ku tageen jabuuti iyo guulihii ay kala soo noqdeen iyo tartamada ciyaareed ee haatan ku soo fool leh intuba. Abuukar Axmed Maxamed “Abuukar shiino” oo isagu ka mid ahaa ciyaaryahannadii xulka qaranka Soomaaliyeed ee K/Koleyga ,kana mid ahaa Macallimiintii iyo ciyaartooydii naadigii Muqdisho oo isagu goobtaasi ka hadlay ayaa diirada saaray baahida loo qabo in la soo saaro jiil cusub oo kubadda koleyga oo wax tara dalkii hooyo. Waxaana uu sheegay in dhallinta Soomaaliyeed laga heli karo dhallinyaro aad ugu wanaagsan ciyaarta K/koleyga haddii waqti fiican la galiyo oo lagu dadaalo. Ugu dambayntii waxaa codbaahiyaha lagu dhaweeyay Cabdi Maxamed Ciye” Cabdi Dheere” oo isagu ka mahadceliyay casuumadda loo fidiyay iyo sida diiran oo loogu soo dhaweeyay Ashland. Cabdi waxaa uu ka warramay taariikhdii dheerayd ee ay isla soo mareen ciyaaryahankii Cabdi Xalwo iyo aakhiritaankii halka uu ku dambeeyay ee magalada Ashland.Waxaana uu halkaasi ka sheegay in Cabdi uu yahay mirihii uu soo beeray iyo faa, dooyinkii ka soo baxay oo manta kulmisay in ciyaartooy intaasi la eg ay isugu yimaadaan magaalada Ashland. Cabdi Dheere waxaa uu si gaar ah ugu mahadceliyay Abuukar shiino iyo Axmed Tuke oo iyagu u sabab ahaa imaanshihiisa Ashland iyo kal hore safarkii uu ku tagay London . Gunaanadkii xafladda waxaa dadkii halkaasi isugu yimid ay mahadcelin gaar ah ay u soo jeediyeen martigaliyaha barnaamijkan cabdi Maxamed Guuleed “Cabdi Xalwo” iyo xaaskiisa Maryan Caddey iyo guud ahaanba intii gacanta ka gaysatay inuu barnaamijkaasi hirgalo. HALKAN KA DAAWO SAWIRADA TARTANKAN W/D Shiikha
|
Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line
|