Madaxweynaha
Dowlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ‘’Gaas’’ ayaa caawo Madaxtooyada
Puntland casho sharaf u sameeyay Halyeeyada Garowe City Stars iyo Hogaamiyahooda
Cabdirashiid Xassan Xirsi ‘’Bakin’’.
Casho sharafta ayaa waxa goob joog ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka Puntland,Xubno
ka tirsan Golaha Xukuumadda iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.
Dr. Cabdiweli Cali Gaas oo ku labisnaa dharka ay caanka ku yihiin Cayaaryahanada
ayaa mid mid u gacan qaaday Xidigaha magaca iyo Maamuuska uso hooyay umada
reer Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda shaqada,shaqaalaha dhalinyarada iyo Cayaaraha Puntland
Cabdiraxmaan Sheekh Axmed iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntland Puntland
Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camay oo ka hadlay goobta ayaa sheegay
inay si Kal iyo Laab ah uso dhowaynayaan guusha Taariikhiga ah ee ay soo
hoyeen Cayaaryahanada Garowe.
Tababaraha Halyeeyada Garowe City Stars oo ka mid ahaa Mas’uuliyiintii
ka hadlay goobta ayaa sheegay in Cayaaryahanada Garowe ay kaalin mug wayn
ka galeen Taariikhda kubadda Kolayga Adduunyada,waxaana uu xusay in Puntland
ay mar kale cashar u dhigtay Soomaalida.
Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ‘’Gaas’’ ayaa
sheegay in Cayaaryahnada Garowe City Stars ay baal Dahab ah ka galeen
taariikhda Puntland iyo Soomaaliya,waxaana uu xusay in Dowlada Puntland
ay ka go’an tahay taageerida Halyeeyada Garowe.
Dr. Gaas ayaa hoosta ka xariiqay in Koobabka iyo Biladahada ay keeneen
Cayaaryahanada Garowe ay ka qaalisan yihiin Koobkii ay qaaday Kooxda Kaalinta
kowaad ee Masar.
Wajiyada Cayaaryahnada ayaa laga dheehan karay dareen farxadeed,waxayna
dareemayeen in muhiim ay tahay in umada reer Puntland ay la wadaagan guusha
ay gaareen.
Si kastaba ha ahate,arrimahan ayaa kuso beegmaya xilli reer Puntland ay
maanta so wayn Garowe ugu soo dhoweeyen Cayaaryahanada Garowe.
Xigasho puntlandi
|