Xaflad si heer sare loo soo agaasimay oo lagu taageerayay guddoomiyaha guddiga Olimbikada Soomaaliyeed mudane Aadan Xaaji Yabaroow”Wiish”, Xafladdaasi iyada ah waxaa isku soo agaasimay oo si aad ah uga soo shaqeeyay mudane Abuukar Aadan oo bulshada isboortiga ay ugu yeeraan “Boos Caato” kana mid ah guddiga isboortiga cayaaraha xagaaga heerka 1aad , isaga oo markaasi muujinaya dareenkiisa isboortinimo ee ku aadan taageeridda guddiga olimbikada Soomaaliyeed iyo xubnaha cusub ee la soo magacaabay.
Waxaa iyaduna xusid mudan in munaasabaddaasi ay goob joog ka ahaayeen Xoghayaha guddiga olimbikada Soomaaliyeed Mudane C/llahi Axmed Tarabi,Xubnihii la soo magacaabay Maxamed Muuse iyo Yoonis Galbayte,Odayaal isboorti,qaar ka tirsanaa macallimiintii iyo cayaartoydii qaranka Soomaaliyeed iyo marti sharaf kale oo ka kala socday ururada bulshada oo lagu casuumay xafladda. Ugu horrayntii waxaa halkaasi ka hadlay Mudane Abuukar Aadan”Boos Caato” oo isagu ka hadlay ujeedada uu u qabtay xafladdan taageeridda ah ee ku aadan GOS iyo xubnaha cusub ee la soo magacaabay. Waxaa ugu horrayntii uu u hambalyeeyay madaxda sare ee GOS iyo xubnaha la soo magacaabay, isaga oo kula dardaarmay in hawsha baaxadda leh ee mas’uuliyadda xambaarsan ay uga soo baxaan si waddaniyad ay ku jirto, uguna adeegaan ummadda ay wakiilka ka yihiin si hufnaan iyo daacadnimo ay ku jirto. Mudane Boos Caato waxaa uu si gaar ah ammaan ugu soo jeediyay saaxiibadiisa ay muddada dheer isla wada shaqaynayeen Maxamed Muuse iyo Yoonis Galbayte kaalinta wayn oo ay kaga jiraan horumarinta isboortiga jaaliyadda Soomaaliyeed ee Sweden iyaga oo kaalin aad u wayn ka gaysta Cayaaraha Xagaaga heerka 1aad iyo wax u qabashada jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan xaafada Rinkeby.Waxaana uu ku guubaabiyay in ay dardar galiyaan hawlaha baaxadda leh ee loo soo magacaabay ,wuxuuna ugu duceeyay in Alle uu la garab-galo hawshaasi iyada ah. Waxaa asagana halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Cayaaraha Xagaaga ee heerka 1aad Xamdi Sheikh Axmed oo ka mahadceliyay xafladan cashada ah dadkii soo qaban qaabiyay isla markaana ugu hambalyeeyay GOS iyo mudanayaasha cusub ee la soo magacaabay. Waxaa hadalkii qaatay Bashiir jeenyo oo isagu ka mid ahaa cayaaryahannadii xulka qaranka Soomaaliyeed ee kubadda cagta iyo naadigii hawlaha guud “LL.PP” waxaana uu yiri: Caawa farxad weyn bay ii tahay inaan ka soo qaybgalo xafladdan taageeridda ah , waana uga mahad celinayaa dadkii soo agaasimay Cashadaan , waxaana uu u hambalyeeyay Yoonis Galbeyte iyo Maxamed Muuse isaga oo kula dardaarmay inay ka soo baxaan howsha Qaran isla markaana ay ka fogaadaan waxyaabaha xun xun ee dhaawici kara magaciina inta aad xilka haysaan, iskana ilaalisaan Magac xumida, wax qabad muuqdana aad muujisaan. Intaas kadib waxaa xafladda ka hadlay mudane Yoonis Galbeyte oo yiri : Caawa ma hadli karo qiirada iyo farxadda munaasabadaan ay ii leedahay awgeed oo uu nagu casuumay saaxiibkeen qaaliga ah Boos Caato, waana ka mahadcelinayaa run ahaantiina wax weyn bay ii tahay inaan caawa Wada Casheyno raggii Sports Soomaaliyeed gudaha iyo dibadaba laga yaqiinay. waxaan Codsaneynaa in garab nalagu siiyo Xilkaas weyn oo naloo magacaabay,waxaana rajeynaynaa in aan ka soo dhalaali doono hadii ilaah yiraahdo. Ugu dambayntii waxaa halkaas ka hadlay Xoghayaha GOS C/laahi Axmed Tarabi oo halkaasi ka soo jeediyay warbixin dheer oo ka hadlaysa qaabka Olimbikada Soomaaliyeed uu u dhisan yahay iyo sida GOS diyaar ugu tahay in ay wax la qabato Diyasbarada dibadda ee Cayaaraha maamulaan. Mudane Tarabi wuxuu aad u amaanay Xaflada Cashada ee soo dhawaynta iyo taageeridda xambaarsan ee uu Mudane Boos Caato u fidiyay, waxaana uu kula dardaarmay Mudanayaasha cusub ee la soo magacaabay in ay dardar galiyaan hawlahooda ku aadan horumarinta isboortiga dalka gudahiisa iyo dibaddiisaba. Sidoo kale martidii halkaasi isugu timid waxaa uu u jeediyay in si buuxda loo taageero mudanayaashaasi si ay ugu sahlanaato inay hawshooda si buuxda u gutaan.
W/D Maxamed Mukhtaar Sheikh
|
Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line
|