• Dr. Cali Cusmaan: "Ururkii dhallinyarada ee S,Y.L iyo isboortiga waa isku aragti"

Atlanta: Guddiga Isboortiga iyo dhaqanka ee Magaaladda Atlanta ee Cariga Mareykanka ayaa waxay qabanqaabiyeen xaflad aad iyo aad u sareysay oo loogu dabaldegaayey sanadguuradii 71aad ee ka soo wareegatay aasaaskii Xisbigii S.Y.L. oo ku beegneyd sanadku markuu ahaa 1943dii,Taarikhdaasi oo ah mid aan ka tirtirmeynin quluubta Ummadda Soomaaliyeed madaama ay aheyd waqtigii la shiday shucladii Halganka ay Ummadda Soomaaliyeed oo ay horseedayaan Xubnahii Xisbiga ee S.Y.L. oo akhiritaankii soo hooyiyey Gobanimadii sanadku markuu ahaa 1960kii,waxaana Xafladaasi ka soo qeyb galay Macalimiin wax ka dhigta Jaamacadaha kala duwan ee Atlanta,Khubaro Isboorti,Ha'aydo kala duwan oo ku mashquulsan horumarinta Bulshadda,Guddiga Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Atlanta,Odayaasha reer Atlanta iyo qaar ka socday Dhalinyaradda ku nool Magaaladda Atlanta.


Waxaa ugu horeyntii khudbad Taarikhi ah ka jeediyey Gudoomiyaha Isboortiga iyo Dhaqanka Dr. Cali Cusmaan oo u mahad celiyey xubnahii ka soo qeyb galay oo isla markaana Casuumadii loo fidiyeyna si sharaf leh u aqbalay,waxaana uu Gudoomiye Dr. Cali Cusmaan ka sheekeeyey halgankii ay soo galeen Xubnahii SYL,iyagoo maanta Taarikhda Ummadda Soomaaliyeed uga jira meel Qiimaha leh,waxaana uu la socodsiiyey ka soo qeyb galayaashii in Xisbigii SYL iyo dhadhaqaaqa Isboortiga ay leeyihiin hadaf ku qotoma in aysan jirin kala sareyn,taa waxa kaaga daliil ah Halkudhigii ugu horeeyey ee SYL in uu ahaa(KANI WAA UGAAS,KANI WAA ADDON WAA IN AAN ILOWNAAYEY,ABTIRSIIMADII HOREY WAA IN OODA KUU TUURNAAYEE) sidoo kale dhadhaqaaqa Isboortiga waxa halkudhigiisa ugu muhimsanaa qormadaan oo afka Ingiriiska ku qoran(THE OLYMPIC CHARTER FIGHTS ANY FORM OF DISCRIMINATION AFFECTING THE OLYMPIC MOVEMENT).,waxaan halkaa ka daliisan karna labadaan urur ay yihiin kuwa hal hadaf wada tiigsanaayo,waxa kaloo waxyaabaha lagu amaanaayo SYL ka mid ahaa iyagoo lahaa Koox ku Ciyaari jirtay Magacooda oo la oran jiray (La Squadra Lega Giovanni Soomali) oo caan ka aheyd waayahaasi Magaaladda Muqdishu sida aan ka soo miinguuriyey Halyey Islow Maxamed Malaaq oo Isboortiga Soomaaliyeed ku soo jiray laga soo bilaabo sanadku markuu ahaa 1950,ayuu Dr. Cali Cusmaan ku soo gabagabeeyey warbixintiisii.

Waxa cod baahiyaha lagu wareejiyey Gudoomiyaha Jaaliyadda Atlanta Mudane Inj. Cumar Shiikhey oo aad ugu dheeraaday Halgankii SYL iyo guulahii ay soo hoyiyeen,waxa uu carabka ku dhuftay in Xubnahii SYL ay ahaayeen dad aad iyo aad u dhalinyar oo aan aqoon buuran laheyn laakiin waxa aad iyo aad u sareeyey shucuurtooda wadaninimo,iyagoo ka fogaaday waxyaabaha Ummada Soomaaliyeed dib u dhaca u keenay oo uu ugu horeeyo QABIILKA,taa waxay ku gaareen hadafkii ay lahaayeen oo ahaa in Ummadda Soomaaliyeed laga dul qaado heryadii Gumeysiga halkaa oo ay Xornimadii ku qaadanay.


Mudane Shiikhey,waxa uu aad iyo aad u amaanay Guddiga Isboortiga iyo Dhaqanka ee Atlanta sida Dr. Cali Cusmaan,Aweys Fundi oo ka mid ahaa Halyeeyadii u soo kifaaxay Qaranka Soomaaliyeed kana mid ah xubnaha har iyo habeen u taagan Horumarinta Isboortiga ee Atlanta,waxa kaloo in la xuso Mudan Halyey Cabdulqaadir xasan Cadde (Caydiid Jeenyo)oo ka mid ahaa wareeryahanadii ugu qatarsanaa bartamihii Sideetamaadkii isagoo guulo badan u soo hoyiyey Koxdiisii LLPP,waxaana uu ka mid yahay dhalinyaradda diiradda saartay horumarinta Isboortiga Atlanta isagoo hadda gacanta ku haya Dhalinyaro da'dooda u dhexeyso 8 sano-14 sano,kuwaa oo aan rajeyneyno in Mustaqbalka dhaw ay buuxiyaan baahida Ciyaartoy ee Atlanta.
Sidoo kale waxa Xafladaasi goob joog ka ahaa CABDIRASHIID BALASTIKO oo ka mid ahaa kooxdii Kubadda Koleyga ee Naadigii Badda isla markaana xubin Firfircoon ka ahaa Xulka Qaranka Soomaaliyeed,Halyey CABDIRASHIID waxa uu ka mid ahaa Kooxdii Kubadda Koleyga ee ku guuleysatay Biladii Dahabka aheyd sanadku markuu ahaa 1979 Tartankii carabta ee lagu qabtay Magaaladda Madaxda Soomaaliya ee Muqdishu,Halyey Cabdirashiid waxaan kula socodsiinayaa in Ummadda Soomaaliyeed ay waligaa ku xusuusan doonto adiga iyo saaxibadii ku guuleystay Biladda Dahabka,waxaana Taarikhda ka gasheen Baalalkeeda Dahabiga,waxa kaloo uu Mudane Shiikhey amaan aan la koobi kari u soo jeediyey Xubnaha Jaaliyadda ee ka soo qeyb gashay Xafladaasi sida Iikar Baana,Shariif iyo Maxamed Shiikh oo doorweyn ka qaatay najixinta Xafladaasi ayuu Mudane Shiikhey ku af jaray warbixintiisa.


Ugu dambeyntii Dr. Cali Cusmaan Cali ayaa waxa uu u mahadceliyey Wasiirka Isboortiga Dr. Khalid,Agaasimaha Guud iyo Agaasimaha Isboortiga Mudane Saacid Baariyow oo diyaar u ahaa in ay Xafladda kaga qeyb galaan khadka Teleefoonka laakiin waxa dhacay cilad Farsamo oo aheyd in waqtiga (Saacadda)ay saamixi weyday,waxaana idinku boorineynaa in aad halkiina ka siii wadaan qiimeynta aad u haysaan Jaaliyadaha Soomaaliyeed iyo Kuwa Isboortiga,waxaana ay xafladii ku soo dhamaatay si farxad leh.

 




Voice over Internet Protocol (VoIP), is a technology that allows you to make telephone calls using a broadband Internet connection instead of a regular (or analog) phone line